Dagaalo Ka Socda Duleedka Baydhabo

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga Soo sheegaya dagaalo lagu hoobtay oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Degaanada u dhaxeeya Berdaale iyo Aw-Diinle oo Gobolka Bay kuwaasoo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka…

Wararka hordhaca oo Mareegtada Diinah.com la soo gaarsiyay ayaa sheegay in Ciidamo Ethiopian ah oo Hub iyo saanad u sida Ciidamadooda ka Degaanada Gobolka Bay ay muddo 10-maalmood ay dagaalo ku galeen wadada u dhaxeysa Baydhabo iyo Luuq, iyadoo la sheegay in khasaare xoogan uu soo kala gaaray labada Dhinac.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in dagaaladaan markii ay ku adkaadeen Ciidamadaan iney safarkooda sii wataan, ayeey Gurmad ahaan ugu yeerteen Diyaardo dagaal iyo Drones USA, kuwaasoo duqeyn xoogan ka geystay tuulooyinka hoose taga Degmada Berdaale iyo degaan Aw-Diinle, waxaana khasaare xoogan loogu geystay Dadka Rayidka ah iyo Xoolahooda.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in qorshahoodu ahaa iney hubka ka bedelaan Ciidamada Ethiopia Qeybta Amisom oo heysta Hub ay leedahay Dowlada Ethiopia, Waxaana la sheegay In Saraakiisha USA,EU/da iyo AU ayaa ku amray Maamulka Abiy inuu Dib u soo celiyo Hub iyo Gaadiid dagaal oo magaca Amisom ay ku qaateen isla markaasna ay geeyeen Gudaha Dalka Ethiopia.

28680cookie-checkDagaalo Ka Socda Duleedka Baydhabo