Damaca Farmaajo Iyo Diidmada Shacbiga..

Politics

Waxaan Mugdi ku jirin in Maamulka Villa Somalia ay diyaarineyso nooc doorasho oo ku shubasho u eg taasoo ay aad uga digayaan dhinacyada mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeda, iyadoo laga cabsi qabo in qabanqaabadaasi ay horseedi karto in dalku Dib ugu noqon xiligii 90-kii..

Khubarada u shun Dalila Arrimaha Somalia ayaa farta ku goday in Labo doorasho oo ay Villa Somalia gadaal ka taagneyd oo ka dhacay Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa tusaale ugu filan tahay in Mr.Farmaajo uu xiligaan ku jiro riyo maalmeed ah iney u suurto geli karto nooca doorsho ee uu qorsheystay in la qabto guud sanadka 2021.

Waxaa lagu sababeeyay in weli aysan arkin Mucaarad mideysan iyo Shacbi ka dhiidhiya Dhibaatada lagu hayo sida Isbaarooyinka iyo cunaqabateynta lagu soo rogay Magaalada Muqdisho,Kismaayo iyo Dhuusa mareeb. Maamulka Farmaajo ayaa ku haminaaya inuu soo dhistay maamul goboleedyo Taageersan danta laga leeyahay ay tahay iney sacab ku taageeraan xulashada  xildhibaano musuq-maasuq ku yimaada oo taageersan Madaxweynaha xiligaan, si ay ugu codeeyaan.

Maamulka ayaa dhegaha ka fureystay Baaqyada, Digniinaha Siyaasiyiinta  iyo Madaxweynayaashii hore ay xiliyadii dambe soo saaraayeen, waxeyna Talaabadaan ay horseeday in Beelaha waa weyn qaarkood ay billaabeen kulamo iyo wada tashiyo ku aadan sidii looga hortagi lahaa wadada lunsan iyo jihada uu Mr.Farmaajo iyo Danjiraha USA (Yamamoto) ay dalka u wadaan iyo dhibta laga filan karo 2021.

Beelaha Hawiye oo loo tiriyo iney tiir u tahay dowladnimada Somalia, oo Ciidamo iyo dhaqaale badan ku taageeray, ayaa xiliyadii ugu dambeeyay saddex shir oo kala duwan yeelatay. Beelaha Mudulood, Habar Gidir iyo Xawaadle,waxeyna dhamaantood qabteen kulamo wada tashi ah iyo aayahoodda siyaasadeed iyo meesha uu dalku aadayo 2021.

Kulamadan ayaa yimid kadib hadallo kasoo yeeray Madaxweynaha oo shaki badan muujiyey, sida wareysigii uu siiyey TV-ga Universal oo laga dhadhansaday inuu doonayo muddo kororsi ama doorasho jidka saxda ah laga leexiyey.

Dhamaan beelahaan waxey ka digeen in doorashada laga leexiyo dhabihii nabbada, iney dhacaan wax aan lagu wada qanacsaneyn iyo in aaney yeeli doonin in la is caburiyo. Tani waxey sii ifineysa jawaab celinta qabiilada hadii madaxweyne Farmaajo isku dayo doorasho ku shubasho ah iyo inuu ciidanka dowladda u adeegsado xubnaha mucaaradka.

Xeel-dheerayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in guuxa beesha Hawiye uu badali karo qorshe mudo laga shaqeeynayay oo ah in dhamaan xubnaha dowladda iyo ciidankaba ay ka shaqeeyaan sidii Farmaajo kusoo laaban lahaa wax kasta oo dhaca.

Waxaa loo badinaya in hadda Farmaajo ka fakaraayo in laga fogaado isku dhac ay beeluhu hogaaminayaan hadii la qabto nooca doorasho ee hadda ay raadineyso Villa Somalia, kaas oo aan tallo iyo mataalad fiican siineyn siyaasiyiinta waa weyn ee beesha Hawiye.

Waxaa marqaati ma doonto ah in Dalka uu dib ugu laaban doono xiligii 90-kii, waxaana loogu baaqay Mr.Farmaajo inuu Dib u liqo riyadiisa, iyo sawirka beenta ah ee uu tusiyay Mr.Yamamoto, 3-sano ayuu Dalka ku maamulaayay Dastuurka iyo Sharciga uu ku tuntay, iyo inuu dhaqaalaha Dalka u adeegsaday danihiisa iyo taageerayaashiisa, Ha oggolaado in Beelaha aayahooda ka tashadaan.

18840cookie-checkDamaca Farmaajo Iyo Diidmada Shacbiga..