Damaca Madaxweynaha Oo Halis Ku Ah Nabada Iyo Midnimada Somalia

Politics

Tan iyo markii uu soo shaac baxay Damaca Madaxweyne Farmaajo ee ah mudo kordhin  (2-sano) loo sameeyo Hey’adaha Dowlada oo xilhayntooda ku eg 7 February 2021, waxaana ka go’an inuu muddo kordhin ku dhowaaqo xiliyada soo socda…

Mr.Farmaajo si uu taageero uga helo Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea ayuu wuxuu raali galiyay Maamulka Oromada inuu u fuliyay dano aysan ku dhiirakarin Madaxdii ka horeysay.

Intii uu Raali galinayay Ethiopia Waxaana taariikhda galay inta la ogyahay qodobada soosocdo,

-Dhiibisti Muwaadin, Sarkaal ka tirsan CXDS, Halyeey dhiigiisa u huray difaaca Qaranimada Soomaaliyeed G/Sare Cabdikarim Shiekh Muuse (Qalbi dhagax)

-Hibeenta 4 Dakadood si sharuud laan ah, oo loo saxiixay Ethiopia

-Heshiisyo qarsoon oo uu lagalay Dowladaha Ethiopia & Eritrea taaso Halis ku ah Dalka , Dadka & Dowladnimada Soomaaliya,

-Heshiis Isdhex gal uu Ethiopia kula galay in Somalia ayka mid noqoneyso Shucuubta Ethiopia isla markaasna hal dowladood ku midoowayaan, iyadoo aan loo soo bandhigin Shacbiga iyo Laba Aqal.

-Difaacida tacadiyada bini aadanimo ee geestan Ciidamada Ethiopia ee sida sharci darada ku jooga Soomaaliya ,

Mr.Farmaajo wuxuu sido kale fuliyay weeraro qorsheysan sida

  1. Wuxuu Halis galiyay Nolosha Madaxweynayaashii Soomaaray Dalka iyagoo safar u ah dalka gudihiisa oo ay sideen gargaar bini aadanimo ,
  2. Wuxuu xabsiyada Muqdisho ku guray Siyaasiyiin Mucaarad.
  3. Wuxuu dil qorsheysan ku dilay Nabadoono & Saraakiil sarsare oo Ciidan kuwaaso uu u arkayay ineey Qattar ku yihiin kursigiisa,

Maanta Mr.Farmaajo wuxuu ku guda jira fulinta qorshihiisa muddo kordhinta, hadiisa ay dhacdo dalka u horseedi doonto burbur iyo inuu dagaal sokeeyo Dalka cagaha la galo

Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee qaranka ayaa ku dhawaaqay iney hakiyeen howlaha diyaar garoowga Doorashada 2020/2021, wixii intaas ka dambeeyay dhamaan Saamileeda Siyaasadeed waxaay muujiyeen ineeysan suurtagal aheyn ama aan dib loo dhigi Karin Doorashada,

Somalia kama dilaacin Caabuqa coronavirus marka laga reebo 3 Kiis oo la sheegay in lahaayo,  suurtagalna ma noqon karto in dib doorashada loo dhigo iyadoo marmarsiyo laga dhiganaayo waxaa laga hortagaa caabuqa Coronavirus.

26270cookie-checkDamaca Madaxweynaha Oo Halis Ku Ah Nabada Iyo Midnimada Somalia