Danjiraha Turkey Oo Ka hadlay Doorashada Somalia

Politics

Danjiraha Turkiga ee Somalia, Mr.Mehmet Yılmaz oo wareysi uu siiyey laanta af-Soomaaliga ee VOA, waxa uu uga hadlay qodobo dhinacyo badan ah oo la xiriira arrimaha gudaha iyo sidoo kale xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Somalia….

Hadaba maxuu ka yiri arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya?

Safiirka ayaa ugu horeyntii ka hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay wax u socdaan, waxuuna sheegay in doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya ay yihiin ku aad muhiim ugu ah xasilloonida dalka.

“Sida aad ogtihiin Dalkaan wuxuu soo maray Dagaalo sokeeyo oo xanuun badan, si looga baxdo dhibaatadaasi, Waxaa lagu heshiiyay In la dhiso hanan Dowladeed, oo si nabad ah xilalka ugu kala wareegay, iyadoo Hanankaasi uu ka soo saaray dagaaladii sokeeye” ayuu sheegay Danjire Mr.Mahmet.

Waxa uu sheegay in sharciga doorashooyinka ee dhawaan soo baxay uu yahay mid leh muhiimad gaar ah, waxuuna sababta ku sheegay inuu qorayo in ay dhacdo doorasho.

“Dabcan way jiri karaan khataro ka imaan kara doorashadan, balse waxaan rumeysanahay xaaladani in ay tahay mid aad muhiim u ah, waxaan aamin sanahay in Soomaaliya ay dariiq wanaagsan ku taagant ahay, waxaana loo baahan yahay in sharciga doorashada lagu kabo shuruuc kale, waxaa sidoo kale muhiim ah in uu soo baxo sharciga axsaabta siyaasadda, kaas oo ay muhiim tahay in la isku duba rido nidaam ahaan, arrintaasna waxaan ka war heynaa in xukuumaddu ay hadda ku howlan tahay, waxaana aaminsanahay in sharciyadan lasoo dhameyn karo, doorashooyinkuna ay waqtigooda ku dhici karaan,” ayuu yiri safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha doorashada Soomaaliya ay kala hadleen dhinacyo badan, sida guddiga doorashooyin iyo siyaasiyiin badan, balse waxa uu sheegay in aysan weli kala fadhiisan xukuumadda.

Mar wax laga weydiiyey in mucaaradka dowladda ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka, waxa uu sheegay in dowladda iyo mucaaradka ay isku deyayaan in ay meel dhexe ka istaagaan.

“Mucaaradka Soomaaliya waxaan u aragnaa in ay sharci yihiin, sida xukuumaduba ay sharci u tahay, albaabadeenu way u furanyihiin waana is aragnaa, waan booqanaa, wayna nasoo booqdaan, waxaana kala hadalnaa xaaladda maalinlaha ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Mehmet Yılmaz safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

28280cookie-checkDanjiraha Turkey Oo Ka hadlay Doorashada Somalia