Danjire Iyo Kuxigeenkiisa Oo Gacanta Ka Wada Hadlay..

Politics

Waxaa Xafiiska Safaarada Somalia ee magaaladda Khartuum Suudaan ka dhacay ficil layaab leh taasoo u dhaxeysa Danjiraha iyo Kuxigeenkiisa, kadib markii uu dagaal gacan ka hadal ah oo aad u balaaran uu dhex maray Gudaha Xafiiska.

Xogtaan ayaa tilmaamtay Dagaal gacan ka hadal uu dhex maray Danjiraha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu kala magacaabo Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Cismaan Axmed Maxamed (Cismaan dheere), waxaa lagu soo waramayaa in dhaawacyo waaweyn ay isku geysteen safiirka iyo ku-xigeenkiisa.

Wararka ayaan istaas kusii darayan in waayahan dambe ay dhibaatooyin dhanka wada shaqeyn la’aan ah ay ka jireen labada shaqsi.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in safiirka iyo ku-xigeenkiisaba loola cararay isbitaal, ayna isku geysteen dhaawacyo waaweyn.

Dhacadadan waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Boliiska dalka suudaan oo ay waceen qaar ka mid ah diblomaasiyiinta safaaradda, Boliiska ayaa safiirka iyo ku-xigeenkiisa iyagoo qaba dhaawacyo waaweyn loola cararay Cisbiltaalka.

17750cookie-checkDanjire Iyo Kuxigeenkiisa Oo Gacanta Ka Wada Hadlay..