Deyn Cafinta Iyo Danaha Ku Qarsoon..

Business


Sida aan la wada socono waxaa Shacbiga Soomaaliyeed ayaa caalamka ku lahaayeen deyn dhan 2,8-billion US$ taasoo ay qaadatay Rajiimkii Kali taliska ee Siyaad Barre.

Deynta lagu leeyahay ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa koray dulsaar (Interess) dhan 2,5 Billion US$, Maamulkii Xasan Sheekh ayaa sanadkii 2013-dii waxey ku guuleysateen in la joojiyo lacagaha dulsaarka ah ee koraya deynta lagu leeyahay Somalia sanad kasta.

Haddaba si ay Somalia u hesho iney qaadan karto deyn kale aya waxaa Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (WB) waxaa shuruud looga dhigay Somalia inay bixiyaan lacagaha ay ku leeyihiin Baniga Horumarinta Africa, Bankiga AdduunkaBankiga Horumarinta Islamka iyo Haya’dda lacagta Adduunka ee IMF, taasoo dhan 800-million US$ oo loogu magac daray Somali Debit Relief Program).

Waxaa sidoo kale xusid mudan in dowladda Mareykanka ay Somalia ka cafisay lacagihii dulsaarka ahaa ee koray deynta uu Mareykanka ku leeyahay Somalia dabayaaqadii sanadkii hore 2019, balse uu dalka Mareykanka weli nagu leeyahay deyntii uu nasiiyay oo dhan 650 million oo US$.

Dowladda Somalia aya deyn ka heshay wadamada Qatar, Norway iyo qaar ka mid ah EU-da taasoo lagu bixiyay lacagtii shuruudda looga dhigay Deyn Cafinta oo ay nagu lahaayeen Bangiyada Caalamka taasoo aan la cafin karin.

Haddaba akhristow ogow waxaan ku bixinay deyn nalagu leeyahay deyn kale taasoo ka dhigeysa deynta Somalia lagu leeyahay ($5.3 Billion + $800 Million) = $6.1 Billion. Haddaba Maamulka Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa qorsheynaya inay qaataan deyn kale oo dhan 800-million US$ maadaama hadda loo ogol yahay deyn qaadasho markii ay soo buuxiyeen shuruudaha lagu xiray.

Iyadoo lagu jiro xilli kala guur ah oo doorasho ay la filaayo iney sanadka soo socodka horaantiisa ka dhacdo Dalka, ayaa laga cabsi qabaa in deynta cusub loo isticmaalo doorashada, hadii la waayana jeebka lagu Shubto.

17780cookie-checkDeyn Cafinta Iyo Danaha Ku Qarsoon..