Dhagaxii Dhiiga Ku Daatay Oo La Xaraashaayo

Politics

Waxaa dhowaanahaan Qabsaday baraha bulshada, wareysiyo iyo wadahadal la xiriira dhagax laga helay degaanka Ceel Cali oo ka tirsan Gobolka Hiiraan kaasoo dhiig badan uu ku daatay kadib markii la isku qabsaday, isla markaasna ay la wareegeen Maamulka Villa Somalia….

Ugu dambeyntii dhagaxaas ayaa Waxaa la keenay magaalada Muqdisho horraantii bishii Janaayo ee sanadkan 2020 waxaana gacanta ku haya Adeege NISA Fahad Yasin iyo Saraakiil ka tirsan Safaarada Qatar ee Muqdisho.

Adeege Fahad Yasin ayaa ku Casumay Magaalada Muqdisho Aqoonyahannada iyo khubaro ku xeel dheer Macdanta, waxaana gacan ka siiyay hirgelinta qorshahaan Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Qatar, kuwaasoo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho 14 bishii Febraayo 2020. Qubarada oo isugu jiray Ingiriis Isra’el iyo Morocco ayaa waxeyna qaadeen jab ka mid ah dhagaxaas (Sample) kaasoo la geeyay jaamacadda Oxford University dalka UK.

Dhagaxa ayaa la sheegay inuu yahay Meteoroid kaasoo baaritaankiisa aay Jaamacadda Oxford u gudbiyeen hay’adda NASA ee dalka Mareykanka. NASA ayaa sheegtay in dhagaxaas uu yahay mid aad muhiimad gaar ah u leh in wax badan laga ogaado taariikhda Adduunka aaynu ku leenahay, waxayna sheegeen in dhagaxaas uu ka mid yahay haraagii dhagax weyn oo dunida u kala qeybiyay qaarado. Dunida aaynu ku nool nahay ayaa markii hore ahayd mid isku wada dhagan, balse markii uu dhagaxaas (meteorioid) ka ah uu dunida ku soo dhacay u kala jaray qaabka aay hadda dunida u sameysan tahay.

Khubarada ayaa u soo gudbiyay Maamulka Farmaajo in haddii dhagaxan la iibiyo uu qiimo ahaan gaarayo inta u dhexeysa $100 ilaa $150 Milyan oo US$, mana jiro dhagax culeyskiisa intaa la egyahay oo adduunka laga helay.

Dhagaxan ayaa la sheegay in uu yahay ilaa 7 ton culeyskiisa, kaasoo ka dhigaayo dhagaxii ugu weynaa ebed ee samada ka yimaada, Waxaana la filaayo in dhagaxa loo qaado dalka Qatar dhammaadka bisha April 2020 si loo geliyo Naado Iib (AUCTION) ama xaraash oo ay Suuq geeyaan dowladda Qatar.

Qiimaha Meteorite

Qiimaha meteorite-ka birta ee caadiga ah guud ahaan waa inta u dhexeysa $ 0.50 illaa US $ 5.00 halkii garaam. Meteorites dhagax waa mid aad u khafiifa waxaana lagu qiimeeyaa US $ 2.00 illaa US $ 20.00 halkii garaam cabirku inta badan. Maaha wax aan caadi ahayn in sheyga runti yaraaday uu ka sarreeyo US $ 1,000 halkii garaam, Meteorites waa qaali sababta oo ah asal ahaan kama iman dhulka aad beyna u qiimo badan yihiin baahida dalabka ku uruuriyana waa badan yahay.

24350cookie-checkDhagaxii Dhiiga Ku Daatay Oo La Xaraashaayo