Dhaqdhaqaaq Ciidamo Oo Ilaa Xalay Laga Dareemay Muqdisho.

Politics

Xalay xiligii saqda dhexe ayaa Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemay dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaq Ciidan oo iska soo horjeeda, kadib markii Maamulka Farmaajo uu ku soo daadiyay degaano kooban ciidan aad u tiro badan oo isugu jira Boolis iyo kuwa ciidanka koofi guduudda Madaxtooyada..

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Ciidankaan ayaa loo diray howlgal aan la ogeyn waxa uu yahay, waxaana dadka inta badan ay aaminsan yihiin iney doonayaan sidii ay u weerari lahaayeen guryahay Madaxweynayaashii hore Sheekh Sharif iyo Xasan Sheekh, maadaama ay diideen in ciidamada ilaalada u ah ay ku laabtaan xeryahooda, kaddib warqad kasoo baxday Taliyaha CXDS Gen. Odowaa maalmo ka hor

Ilaalada Sheekh Sharif iyo kuwo Xasan Sheekh ayaa galay difaac iyo heegan buuxa waxaana laga yaabaa in haddii ciidanka la dul keenay aanan laga qaadin daqiiqadaha soo socda uu halkaa dagaal sokeeya ka bilaaban doono.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo Gurmad ah ay Sidoo kale gaareen Guryaha Madaxweynayaashii hore kuwaasoo la sheegay iney ku hubeysan yihiin Gadiidka dagaalka, waxeyna difaac ka galeen agagaarka guryahaasi.

Ujeedka dhaqdhaqaaq Ciidan ee Maamulka Farmaajo ayaa lagu fasiray sidii dagaalo looga ridi lahaa Magaalada Muqdisho, isla markaasna doorashada Dib loogu dhigi lahaa muddo 2-sano ah iyo in lagu eedeeyay Madaxweynayaashii hore iyo Siyaasiyiinta Muqdisho iney hortaagan yihiin Maamulka Villa Somalia.

23430cookie-checkDhaqdhaqaaq Ciidamo Oo Ilaa Xalay Laga Dareemay Muqdisho.