Dharcadka NISA Oo Dil Ka Geystay Muqdisho…

Politics

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Shaqsi Ka tirsan Dharcadka NISA uu Darawal Mooto bajaajle ah saaka ku dilay xaafada Seybiyaano degmada Hodan ee magaalada Muqdisho…

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ruuxa dilka geystay uu ahaa nin watay gaari yar, waxaana la sheegay inuu si ula kac u toogtay.

Ka hor inta aanay dhicin toogashada ayaa waxaa dhex maray muran ku saabsan isticmaalka wadada oo ay hal waddo isaga soo hor-baxeen, waxaana la sheegayaa in darawalka mooto bajaajka uu ku diiday in seedkiisa aheyd wadada uu ka soo galay gaariga kale.

Intaas kaddib ayaa qofkii watay gaariga yar (Toyota)oo hubeysnaa ayaa toogtay wiilkii darawalka bajaajka ahaa, taasoo dhaawac soo gaaray kaddib uu u geeriyooday

Qofka gacan ku dhiiglaha ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, isagoo gaarigiisa wata, waxaana ciidamada amniga oo goobta soo gaaray bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan si gacanta loogu soo dhigo, loona soo taago Maxkamad.

Dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana intooda badan dilka geysta Ciidamada dowladda.

22200cookie-checkDharcadka NISA Oo Dil Ka Geystay Muqdisho…