Dhibaatada Cudurka Covid-19 iyo Xabsiyada Somalia

Politics

Tan iyo markii uu ku baahay Virus-ka Corona Dalalka Dunida, waxaa cabsi laga muujiyey in xanuunkaasi ku faafi karo goobo dadka isugu yimaaddaan, ama ay dad badan ku kulansan yihiin, sida baararka, Goobaha Cibaadada, Dugsiyada Waxbarashada, Xafladaha aroosyada iyo Xabsiyada….

Arrintan ayaa keentay in la fasaxo waxbarashadii isla mar ahaantaana dadka looga digo tegidda meelaha lagu badan yahay, Waxaa se weli meelo badan oo dunida ah cabsi gaara laga muujiyey xabsiyada ay ku jiraan kumannaanka qof ee aan haysan dhul ay ku kala fogaadaan. 

Mac-hadka Horizon oo ka dhisan magaalada Hargeysa ayaa si ay arrintaas ugu baraarujiyaan madaxda Jamhuuriyadda iskeed madaxbananida ugu dhawaaqday ee Somaliland ugu baaqay madaxweyne Muuse Biixi in la cafiyo maxaabiista qaarkood.

Gudoomiyaha mac-hadkaasi, Idris Cabdi Maxamed oo BBC u warramay ayaa waxa uu sheegay in madaxda Soomaliland ay ugu baaqayaan in maxaabiista dambiyada yaryar u xiran la siidaayo.

Dhanka kale xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la xaddiday galitaankiisa islamarkana waxaa la soo rogay tallaabooyiin lagu xakamaynayo cudurka Coronavirus.

Madaxa Xabsiyada ee dowladda fedaraalka Mr.Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada xabsiga qaarkood ay hakiyeen.

“Waxaan joojinnay booqashada, askarta xitaa marka ay galayso waa la baarayaa, nin aanan la baarin iskama galayo xabsiga”, ayuu yiri Janaraal Mahad.

Dhanka Puntland, waxaa xabsiyada laga mamnuucay in la soo booqdo si cudurka looga hortago.

Saraakiisha ciidamada asluubta Puntland ayaa waxa ay BBC-da u sheegeen in sidoo kale aysan jiri doonin maxaabiis cusub oo xabsiyada la gayn doono.

Qaar ka mid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay caabuqa Corona ayaa waxay xabsiyada ka siidaayeen kumannaan ka mid ah maxaabiista xabsiyada ku jiray.

Waxaa dalalkaasi ka mid ah Iraan oo xabsiyada dalkaasi laga sidaayay maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 70,000.

25640cookie-checkDhibaatada Cudurka Covid-19 iyo Xabsiyada Somalia