Dhul Boob Ka Socda Degmada Balcad

Politics

Dhul beereedkan hodanka ah ayaa waxaa si qasab ah kula wareegay Kali Taliskii Maxamed Siyaad Barre kadib markii uu soo saaray xeer number 18, sanadkii 1974 kaasoo dhammaan dhul beereedka degmada Balcad ay dowladda kula wareegtay….

Mr.Farmaajo, ayaa soo saaray Xeer No:103, bishii Janaayo 9, 2019, kaasoo uu sheegay in dib ay dowladda ula wareegeyso dhul beereedka ku hareereysan degmada Balcad. Sida xogo loogu soo gudbiyay Diinah.com MW Farmaajo ayaa raba in dhul beereedkan uu ka iibiyo nin ganacsade ah oo ay isku beel yihiin kaasoo magaciisa lagu sheegay Axmed Faarax oo ka ganacsada dhoofinta sisinta.

Waxaa sidoo kale dhulkan kula wareegay Xeer No: 18 Taliskii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa cad iyo habdhaqanka MW Farmaajo uu yahay mid la mid ah kii kaligii taliskii Maxamed Siyaad Barre, kaasoo horseedi doona in dalka uu dib uga noqdo dagaal sokeeye haddii ay dowladda isku daydo in dhul beereedka shacabka degmada Balcad la qarameeyo.

Hadaba, Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay kaga digtay boob ay sheegtay in lagu hayo hantida dhulalkii danta guud ee xarumihii ADC-da iyo Fidinta Beeraha ee wasaaraddu ku laheyd Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in wasaaradda  ogeysiineyso cid waliba ee gacanta ku heysa ama ku guda jirta boobka dhulalka Wasaaraddu leedahay ee ku yaalla degmada Balcad inay ka waantoobaan aysana isku dayin beecinta dhulalkan haddii kale ay la kulmi doonto cawaaqib xun sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

28610cookie-checkDhul Boob Ka Socda Degmada Balcad