Dhul Gariir Laga Dareemay Degaano Badan Oo Dalka Kenya Ka Tirsan oo ay ku Jirto Nairobi..

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dhul gariir habeenimadii Xalay abaarihii 20,33 ayaa laga dareemay degaano badan oo ay ku jirto duleedka magaalada Nairobi, kaasoo socday muddo ilaa 30-Ilbiriqsi sida ay sheegeen Dadka Degaanadaasi ku nool oo cabsi xoogan ka soo food saartay Dhul gariirkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in xudunta Dhul gariirkaasi lagu sheegay inuu ka dhacay meek Caasimada u jirta 38-KM, wuxuuna saameeyay Degaanada Kitengela, Ruaka iyo Westland (Nairobi), marka laga soo taga Caasimada Degaano hoos yimaada Gobolka Rift valley oo taariikh u leh Dhul gariirka balse aan soo noqnoqon iyo Sidoo kale Degaanka Kavirondo ee Nyanza.

Isku soo hoori, Diiwaanada Taariikhda ayaa muujinaaya in Dhul gariir weyn oo MI-> 6.0 ay ka dhaceen Gobolka Rifty Valley, sida Dhul gariirkii Subukia ee sanadkii 1928-dii cabirkiisuna ahaa 7,1 iyo mid kale oo sanadkii 1913 ka dhacay Degaanada Turkana cabirkiisuna ahaa 6,1.l, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay dhul gariirka Xalay.

335940cookie-checkDhul Gariir Laga Dareemay Degaano Badan Oo Dalka Kenya Ka Tirsan oo ay ku Jirto Nairobi..