Dil Ka Dhacay Gaalkacyo

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya dil ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo uu xalay magaaladaasi dil loo gaystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Deegaanka Gaalkacyo…

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) iyo Nin kale xili ay goob ganacsi uu Taagnaa ayaa laba nin oo bastoolado ku hubaysan waxay ku toogteen Bartamaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana dhaawaciisa loola cararay isbitaalka, halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday, sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur.

Labada nin ee Xildhibaanka toogtay ayaa markii ay carareen waxa ay wadada isaga hor yimaadeen askari ka tirsan Ciidanka Puntland oo qori sita, waxaana ay askarigaasi u gaysteen dhaawac.

“Haa, waa isa soo kor taageen isagoo meherad ka soo horjeedda Somteel joogga, laba nin bay ahaayeen, bastoolad bay ku dhufteen, way carareen. Dariiqaa waxay soo mareen Saylaan, aaggaas markay marayeen askari qori sitaa ka horyimid isagiina xabad bay ku dhufteen oo waa dhaawac.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Xildhibaanka ka tirsanaa Golaha Deegaanka Gaalkacyo ayaa wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo ka shaqeeya horumarinta Magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada magaalada.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa saaka inay dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ka wadaan hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo.

23640cookie-checkDil Ka Dhacay Gaalkacyo