Dilalka Qorsheysan iyo Xiriirka Madaxtooyada

Politics

Kooxda xiligaan ka Taliska Madaxtooyada Somalia (Farmajo iyo Fahad), ayaa xiligaan kala guurka ah dejiyay qorshe ay ku negaan karaan talada dalka, taasoo ku dhisan xoog iyo xeelad waxay in muddo ahba wadeen abaabulka falalka dilalka iyo xariga Muwaadiniinta.

Sida Warbixino badan horey loogu soo daabacay Mareegtadaan, Waxaa la abuuray xoogga waddaniyiinta oo ah Maleeshiyo hubeysan gaar ah oo ayna Dhaqaalaha iyo tababrka ku baxaaya bixiyay Maamulka Dooxa, iyadoo lagu soo tababaray Dalka Eritrea, Maleeshiyaadkaan oo hubeysan ayaa isugu jira dhar cad NISA la hoos geeyey iyo kuwa hubeysan oo dharka Ciidamada Loo geliyay balse aan laga diiwaan gelin Wasaarada Gashandhigga.

Maleeshiyaadkaan ayaa waxay durbaba hadda ka hawlgalaan Qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho oo waxay ka fuliyaab dilal qorsheysan Xarig sharci darro ah iyo Jirdilo, iyadoo todobaadyadii ugu dambeeyay tiro dhallinyaro ka dhiidhiiyey tacadiga lagu hayo dadka Xamar ku nool, qaarkood la Dilay halka kuwo kale Xabsiyada gaar ah oo laga dhisay Degmada Dayniile lagu hayo.

Qorshaha Maamulka Farmaajo u degsan ayaa ah hadii uu ku guuleysan waayo inay gacanta ku dhigaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho, iney dib u soo nooleeyaan dagaaladii sokeeye, isla markaasna ay xarun KMG ah ka dhistaan Degmada Dayniile, waxaana laga digay in Dalka la geliyo dagaalo.

31310cookie-checkDilalka Qorsheysan iyo Xiriirka Madaxtooyada