Doorashada 2020/21 Iyo Hamiga Maamulka

Politics

Inta Badan Muwaadiniinta Soomaalida ayaa aaminsan in Maamulka Farmaajo ay horyaalaan laba qodob oo midna aan faa’iido ugu jirin, kuwaasoo kala inuu kala doorto inuu tanaasul la yimaado iyo faro gelin Dibada shisheeye Marka laga hadlaayo Doorashada Somalia….

Doorshada Somalia ayaa qorshuhu yahay iney noqoto qof iyo cod, balse Waxaa ku gedaaman su’aalo badan iyo mugdi, maadama aan lagu heshiin Nidaamka lagu gelaayo, iyadoo Khilaaf xoogan uu ka dhex oogan yahay Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Go’aanka ay soo saareen Labada Gudoomiye ee Senate-ka Iyo Baarlamaanka ee lagu joojiyay Kulamadii ayaa dhaliyay guux iyo in muddo kordhin, dadka qaarkiis ayaa rumeysan in Talaabadaan ay bilow u tahay Muddo kororsi.

Hadaba, Mr.Farmaajo ayaa u muuqda inuu cagta saaray Wadadii ay mareen Mr.Cabdiwaasim Salaad iyo Mr.Cabdullaahi Yuusuf, kuwaasoo xiligoodi maareyn waayeen Xiligii kala guurka ee muddo xikeedka, iyadoo ay kala wareegeen IGAD iyo U.N.-ka Arrimaha Somalia.

Wasiirka 1-aad iyo Labada Gudoomiye ayaa u furan iney qeyb ka noqdaan kala guurka awood wareejinta sidii Xasan Abshir iyo Nuur Cadde, hadii uu hunguri ka galo muddo kororsi waxey mari doonaan wadada ay qaadeen kuwii ka horeeyay, Waa laga soo gudbay xiligii muddo kordhinta 

29010cookie-checkDoorashada 2020/21 Iyo Hamiga Maamulka