Dowlada Djibouti Oo Ganafka ku Dhufatay Dalabka Ethiopia ee Wadada & Dekada Tadjourah..

Africa News Security

Dowlada Djibouti ayaa si adag u diiday soo jeedin ka timid Ethiopia kuna aadan si gaar ah ay u galaan Heshiis loogu gaar yeelaayo iney maamushaan Dekedda Tadjourah iyo in loo ogolaado iney Saldhig Ciidan ka dhistaan ​​dhulka Dalkaasi, talabadaan oo u muuqata mid wax u dhimeysa Qaranimada & Madaxbanaanida Dalka Djibouti..

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaqiijiyay in codsigaasi oo ay ku jiraan in la sameeyo marin ka baxsan xuduudda Ethiopia ilaa Dekedda dhulkaasi oo noqon kara mid ay lahaato Ethiopia, isla markaasna noqon doonto “mid aan la aqbali karin” oo si rasmi ah loo diiday, Mr.Gelle ayaa ganafka ku dhuftay in loo oggolaado in la sameeyo marin leh maqaam ka baxsan xuduudka Ethiopia iyo Tadjourah, iyo in la sameeyo saldhig ciidan oo badda ah, taas ma ahayn tii aan ku heshiinnay, sidaas darteed, arrintan hadda waa xiran tahay,” Geelle ayaa u sheegay Jeune Afrique news.

Diidmadan ayaa ku soo beegantay xilli uu sii xoogaysanayo tartanka loogu jiro helitaanka Bad u gaar sh Ethiopia ee Xeebaha ee Geeska Afrika, iyada oo Maamulka Abiy ee Addis abeba oo aan bad lahayn ay si ba’an u baacsanayso marinka badda si ay u yarayso ku tiirsanaanta dekedaha Djibouti, Hadalkii hore ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee ku saabsanaa “xuquuqda dabiiciga ah” ee Ethiopia ay ku leedahay marin biyoodka ayaa walaac geliyay dalalka deriska ah, taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo xasillooni darro Gobolka.

Fariimaha Djibouti waxay ka tarjumaysaa siyaasaddeeda ballaaran ee ay kaga hortagayso ku xad-gudubka shisheeye ee hantida qaranka, Sanadkii 2018-kii, Dowlada waxay keligeed joojisay heshiis weyn oo deked ah oo ay siisay shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai, iyadoo loo cuskaday Danta Qaranka, Inkastoo ay gar-qaadyo caalami ah soo saareen DP World- oo ay ku jiraan $385 oo magdhow ah, haddana Djibouti merl adag ayeey ka istaagtay Heshiiskaasi.

376750cookie-checkDowlada Djibouti Oo Ganafka ku Dhufatay Dalabka Ethiopia ee Wadada & Dekada Tadjourah..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *