Ethiopia Oo Aqbashay Raaligelinta Somalia

Politics

Maamulka Abiy ayaa ka carooday qaraar uu dhowaan Ururka Jaamacadda Carabtu uu ka soo saaray Xiisada Nile-ka ee kala dhaxeysa dalka Masar, oo ay qeyb ka ahaayeen Dowladaha Somalia iyo Jabuuti…

Qaraarkaasi ayaa cambaareyn loogu jeediyay Ethiopia, taasoo horseeday in Maamulka Oromada ay si weyn uga gubato in qaraar ka dhan ah ay qeyb ka noqdeen Jabuuti iyo Somalia, oo saaxiibtinimo dhow la leh Abiy Ahmed.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa garab istaag weyn u muujiyey dowladda Masar, xiisada kala dhaxeysa Ethiopia ee webiga Nile-ka, talabadaan oo loo arko inay keentay galaan-galka weyn ee Masar ku dhex leedahay Ururkaasi.

Somalia iyo Jabuuti oo ka tirsan Ururkaasi, ayaa iyaguna qeyb ka ahaa qaraarkaasi, inkasta oo markii dambe ay Fariin raali-gelin ah gaadhsiiyeen Abiy Ahmed, oo isagu si weyn uga carooday inay qeyb ka noqdaan qaraarkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Mr.Gedu Andargachew oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in Dowladaha Jabuuti iyo Somalia ay soo Gaarsiiyeen Dhambaalo ay uga xun-yihiin qaraarkaasi, kadib markii fasiraad ka dalbadeen doorkooda ku aadan arrinkaasi.

“Dhambaalo aanu ka helnay (Somalia iyo Jabuti) waxay noogu sheegeen in qaraarkaas uu Jaamacadda Carabtu ansixiyay aanu door xalin ah ka ciyaarayn dhibaatada taagan, balse uu xaaladda sii xumaynayo” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxay noo sheegeen in dhibaatada aan lagu xalin doonin jidkaas oo kale, waxaanan rumaysanahay in xubnaha kale ee jaamacadda Carabtu ay sidan oo kale yeeli doonaan”.

23600cookie-checkEthiopia Oo Aqbashay Raaligelinta Somalia