Ethiopia Oo Culeys Lagu Saaray Iney Maamulka Hargeysa

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya In Maamulka Villa Somalia ay culeys ku saareen in aan la msgacaabin Wakiilka Ethiopia ee Maamulka Hargeysa, kadib markii uu Maamulka Muuse Biixi uu diiday Wada hadalka…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya In Maamulka Abyi ee Addis Abeba uu weli muddo ku dhow 7-bilood uusan magacaabin Wakiilkooda (Qunsuliyada) u joogay Hargeysa, kadib markii ay bedeleen Mr. Shamsudiin Axmed Rooble oo ahaa Wakiilka.

Maamulka Addis Abeba ayaa ka cagajiidaaya magacaabista wakiilkooda Hargeysa, sababo la xiriira saaxiibtinimada dhow ee Maamulka Farmaajo ay la leedahay, xili uu xiriirka Somaliland iyo Ethiopia uu hoos uga dhacay heerkiisii hore, inkastoo ay dadaalo gaabis ah ay wadaan Wakiilada DP World iyo Saraakiil Sirdoon oo UAE u jooga Magaalada Hargeysa sidii ay u bedeli lahaayeen mowqifka Mr.Abiy.

Maamulka Farmaajo ayaa iyada inta badan lagu eedeyaa inay Maamulka Abiy iyo ciidamada Ethiopia u adeegsato dagaalka ka dhanka ah maamulada qaar ee ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasada, taasoo dhalisay xiisad hor leh oo ka dhex qaraxda Kenya iyo Ethiopia, maadama dowladda Kenya ay xulufo la tahay maamulada dalka qaarkood.

32460cookie-checkEthiopia Oo Culeys Lagu Saaray Iney Maamulka Hargeysa