Europe Oo Adkeysay Sharciyada Magangelyada oo Ay ku jiraan Liiska 7-Dalal..

Security World

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xeerar ay soo saareen Midowga Europe ay ku adkeynayaan Nidaamka Magangeliyo bixinta, iyadoo shalay daabacay liiska 7-Dal oo ay u arkaan iney xasilooni iyo Amaan ka jirto, waxeyna dejiyeen qorshe lagu celinaayo Muhaajiriinta…

Xisbiyada midigta ee wadamada Sweden, Italy, Danmark iyo Netherlands bishii Oktoobar waxay dalbadeen sharci si degdeg ah loo raad raaco si kor loogu qaado dib u celinta – waxayna ku booriyeen Komishanka inay si degdeg ah wax uga qabtaan.

Liiska waxaa ka mid ah Kosovo, Bangladesh, Colombia, Masar, India, Morocco iyo Tunisia, Liiskaan la balaariyay waxay la macno tahay in Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay ka baaraan degi doonaan codsiyada wadamada loo arko inay nabdoon yihiin iyagoo isticmaalaya habraac la dedejiyay.

In kasta oo Midowga Yurub uu soo bandhigay liis la mid ah 2015, haddana qorshahaas waa laga tanaasulay doodo kulul oo ku saabsan in Turkiga lagu daro iyo in kale, Brussels waxaa saaran cadaadis isa soo taraya si ay wax uga qabato soogalootiga aan caadiga ahayn ayna sare u qaaddo masaafurinta, iyadoo xisbiyada midigta fog ay wadaan mowjado ka dhan ah soogalootiga Europe.

368350cookie-checkEurope Oo Adkeysay Sharciyada Magangelyada oo Ay ku jiraan Liiska 7-Dalal..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *