Fadeexad Ka Dhalatay Mashruuca Baxnaano

Politics

Waxaa mar kale soo shaac baxaaya fadeexad ka dhalatay Mashruuca Baxnaano ee dhowaan uu Maamulka Farmaajo daahfuray, iyadoo ay maalgelinayaan Bangiga Adduunka sahanka laga sameeyay gobolada dalka ee qoysaska danta yar ee carruurtooda 5 sano ka yar tahay ayaa sahankii laga saameeyay degmooyinka gobolada dalka.

Fadeexadaan ayaa si gaar ah sadbuursi loogu sameeyay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa noqotay tan ay ku nool yihiin qoysaska carruurta da’dooda ka yar tahay 5 sano, Tirada guud ee ku nool degmadaasi ay dhan tahay 46,062 (afartan iyo lix kun iyo lixdan labo) waxeyna labo jibaar ka badan tahay degmooyin waa weyn oo xarumo Maamul-goboleed sida Dhuusamareeb iyo Beledweyne iyo Xuddur.



Sahankan waxaa sameeyay Wasaaradda Qorsheynta iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo shuruudaha soo gudbisay, iyadoo sidaas tahay waxaa ka muuqata sahanka cadaalad darro iyo sinaan la,aan marka la isu barbaro dhigo degmada Badhan iyo deegaanada kale ee Koofurta Soomaaliya oo ah meelaha ugu badan ay ku nool yihiin qoysaska danta yar ee barakacay sida Baydhabo, Jowhar,Kismaayo iyo Beledweyne oo kale.

Wasaaradda sahanka sameysay ee Qorsheynta waxaa wasiir ka ah Jamaal Maxamed Xasan, mala dhihi karaa degmadii uu ka soo jeeday ee degaan doorashadiisa aheyd ayuu u sad badiyay, marka loo eego mashruucan oo ku baxaya malaayiin dollar ee taakulada ama dhaqaalaha la siinayo qoysaska danta yar.

29410cookie-checkFadeexad Ka Dhalatay Mashruuca Baxnaano