Fariimaha Cabsi-gelinta Ee Villa Somalia

Waxaa soo shaac baxaaya warbixino la xiriira digniino dilal xambaarsan iyo cabsi gelin loo jeediyay Tiro badan Oo Odayaal dhaqmeed iyo Xildhibaano ah kuwaasoo ka soo kala jeeda Beelaha Soomaaliyeed, waxaana looga digay iney Ku biiraan Xibsiyada Mucaaradka…..

Warbixintaan ayaa loogu xaqiijiyay Diinah.com in Horjoogaha Villa Somalia, uu ku amray Adeege Fahad, Kooxaha Dialalka Qaabilsan (Killing Squad) iyo Qabqablayaasha Xoogaga Wadaniyiinta iney xiriiro la sameeyaan tiro Xildhibaano ah oo qaarkood ka soo jeeda Waqooyiga Somalia, halka kuwo kale oo Beelaha Daaroodka, Hawiyaha Beesha Shanaad iyo Digil iyo mirifle iney degdeg uga soo baxaan Xibsiyada Mucaaradka isla markaasna ay ku biiraan Xisbiga Nabar iyo Naxdin.

Waxaa la sheegay in digniintaan ayaa saameysay Xildhibaano Meherado ganacsi iyo dano Shirkado iska leh, kuwaasoo loogu hanjabay in meherdooda Ganacsi la xiri doono, hadii aysan caddeynin mowqifkooda iyo iney taageeraan musharanimada Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

Sidoo Odayaasha Dhaqanka ee Dhaqaalaha ka qaatay Villa Somalia ayaa la faray iney ka qeyb qaataan dadaalada Lagu cabsi gelinaayo Xildhibaanada iyo Musharaxiinta cusub ee isku soo sharixi doona Xildhibaanimada.
Cabsi gelintaan ayaa la sheegay qeyb ka yihiin Kooxo ka soo goostay Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka, kuwaasoo wada iney xiriiro cabsi gelin ah I gudbiyaan fariimaha laga soo meeriyo Villa Somalia.

37510cookie-checkFariimaha Cabsi-gelinta Ee Villa Somalia