Farmaajo Oo Looga Digay Inuu Weeraro Xeryaha Guul/sha Iyo Ood

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya in Qorshe hordhaca ah oo ay dejiyeen Maamulka Farmaajo kaasoo ku Aadan sidii loo weerari lahaa Ciidamada Dowlada ee ku xareysan xeryaha Guulwadeyaasha iyo Odweyne ee Magaalada Muqdisho..

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Maamulka Farmaajo oo ku guuldareystay inuu xiro ama ugu yaraan xilka iyo derejada ka xayuubiyo G/Sare Maxamed Daahir oo ah Taliyaha Laanta Socotada Boliiska oo ay isku dhaceen Wasiirka 1-aad ee Dowlada.

Wararkaan ayaa sheegaya in kadib markii isku dayo dhowr ah oo xiisada lagu dhameynaayo ay fashil ku soo dhamaadeen ayaa la sheegeen in Mr.Farmaajo uu dejiyay qorshe ah in la dalacsiiyo Horjooge Saadiq John oo dib loogu celiyo Taliyaha NISA Gobolka Benadir, Halka Horjooge Farxaan Maxamuud (Qaroole) la dalacsiiyo loona magacaabo Taliyaha Boliiska Gobolka Benadir.

Labadaan Shaqsi oo heyb hoose wadaagaan G/Sare Maxamed Daahir ayaa loo diyaarshay iney Weeraraan Xeryaha Guulwadeyaasha iyo Odweyne oo ay Ciidamo Daacad u ah Saraakiisha kala ah Gen.Laba Afle G/Sare Maxamed Daahir iyo Cabdullahi Mire (Alalay) iyo Warsame Gaab, Saraakiishaan ayaa lagu eedeeyay iney u gurmadeen dagaalkii ka dhacay xerada Saliini ee lagu dhaawacay G/Sare Xasan Jaamici.

Iyadoo mar uu ku booqday Isbitaalka Ciidamada Muqdisho Mr.Kheyre Dhaawacyadii Ciidamada u sheegay Mr.Xasan Jaamici In Dowladda ay ka gaabisay iney u gurmato balse Saraakiisha kor ku xusan ay iskood isku abaabuuleen una gurmadeen Ciidamada xerada Saliini.

Xiisadaan soo korortay ayaa u muuqata mid Maamulka Farmaajo ay ku doonayaan iney Saraakiisha kor ku xusan iney Xilalka ka qaadaan isla markaasna ay ku amraan iney weeraraan Ciidamo la diyaarashay oo ay hormuud u yihiin Horjoogayaasha Sadiq John, Faarax Qaroole iyo Yasin Ganey, waxaana looga digay iney ka waantoobaan qorshaha gurcan ee ay maleegayaan, kaasoo horseedi kara inuu burbur ku yimaado Maamulka mudada gaaban u harsan Dalkaan Dib ugu noqdo dagaalada sokeeye.

22130cookie-checkFarmaajo Oo Looga Digay Inuu Weeraro Xeryaha Guul/sha Iyo Ood