Fatwo Laga Soo Saaray Doorshada Iyo Ka Qeyb Galka

Politics

Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka oo maamula degaano ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Somalia, ayaa amaro adag ka soo saaray arrimaha doorashooyinka heer Federaal oo qorshaysan in la qabto bilowga sanadka soo socda ee 2021-ka…

Bayaan Fatwo ah oo ka soo baxay Xarakada, ayaa lagu sheegay in ay xaaraan tahay doorashada la doonayo in dalka laga qabto sannadka 2021-ka, islamarkaana waxaa shabaab ku hanjabeen inay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka qeyb-qaadata arrimaha doorashadaas.

Kooxda ayaa sidoo kale fatwootay in laga hortago hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka dalka, kaasoo ay ku sheegeen mid dalka Soomaaliya loogu gacan-gelinayo Kenya iyo Ethiopia, una horseedaya colaad sokeeye iyo kala qoqob dhuleed.

Qoraalkaan oo ay soo saareen 40 Wadaad oo ka tirsan Shabaab ayaa waxa uu ku qoranyahay luuqada Carabiga waxaana lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda Shabaab.

Bayaanka ka soo baxay Kooxda oo ka kooban 14 qodob ayaa dhinaca kale lagu fatwooday in la laayo muhaajiriinta u dhashay waddanka Ethiopia ee ku soo qulqulaya gudaha dalka Somalia, waxaana amreen in meeshii lagu arko lagu dilay Tahriibayaasha u dhashay Ethiopia.

24270cookie-checkFatwo Laga Soo Saaray Doorshada Iyo Ka Qeyb Galka