Ganacsade Iyo Dhalinyaro Laga Baxay Guryahooda

Politics

Warbixno Hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Ciidamo Isku dhaf ah oo Howlgalo qorsheysan ka fuliyay degmada Xamar Weyne ee Gobolka Benadir, kuwaasoo lagu tuhmaayo iney xiiriiro la leeyihiin Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka…..

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Ciidamo ka tirsan kuwa USA iyo kuwa Somali ah kuna hubeysan ilaa 6-gaadiid dagaalka ayaa la sheegay iney hareereeyeen guri ku yaalla degmada Xamar-weyne agagaarka xaafada Aw-Aweyska halkaasoo ay kala baxeen ganacsade caan ka ah degmadaas.

Muwaadinkaan ay la baxeen ciidamada oo magaciisa lagu soo kooban Maxamed Jakii ayaa la sheegay inuu wakiil ka ahaa laanta Xawaalada Bakaal ee degmada Xamar-weyne, isagoo sidoo kale lahaa dukaan lagu iibiyo biraha baabuurta.

Ninka ay la baxeen ciidamada oo magaciisa lagu soo gaabiyey Maxamed Jakii ayaa la sheegay inuu wakiil ka ahaa laanta Xawaalada Bakaal ee degmada Xamar-weyne, isagoo sidoo kale lahaa dukaan lagu iibiyo biraha baabuurta.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ninka la xiray uu markii hore ka cararay ciidamada uuna isku dayey inuu baxsado balse ugu dambeyn lagu dhigay gacanta iyadoo aaney goobta ka dhicin wax iska horimaad ah.

“Markii ay qabteen ciidamada si xun ayey u garaaceen, waxayna ku tuureen gaadiidka tiknikada ah ee ay wateen” ayuu yiri goob jooge ka ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa ka gaabsaday.

Wararka ayaa sheegaya in intii uu socday howlgankan ay sidoo kale ciidamadu baaritaan xoog leh ku sameeyeen hoygiisa, ayna sawiro ka qaateen, mana cadda iney gurigiisa hub ka heleen iyo in kale.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool degmada Xamar-weyne ayaa sheegaya iney jiraan dhalinyaro kale oo isla xalay lagala baxay guryahooda oo ku yaalla degmadaas, kuwaaso aan la ogeyn halka la geeyey iyo sababta rasmiga ah ee loo xiray.

33240cookie-checkGanacsade Iyo Dhalinyaro Laga Baxay Guryahooda