Garabka Qorqor Oo Cunaqabateyn iyo Caburin Ku…

Politics

Warbixino welwel xambaarsan ayaa laga soo sheegaya Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii garabka Qorqor ee Madaxweynaha sheegta ay Maleeshiyaad ka amar qaata ay bilaabeen Barakicin, caburin iyo Hanjabaado joogto noqday oo loo geysanaayo Shacbiga ku nool Xaafada Dayax ee Magaalada Dhuusamareeb.

Xogtaan ayaa si hoose ugu sheegtay Diinah.con in Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Maamulka Farmaajo ay muddo toban maalmood ka hor maleeshiyaad ku soo daadiyay wadooyinka iyo xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay bannaanbaxyo magaalada ka dhigayan taageere-yaasha Ahlu Sunada Galmudug.

Xaafadda Dayax waxay markii hore ee xaafadaha kale ee magaalada kala mid ahayd culeyska ay soo saareen, balse waxay maalmihii ugu dambeysay ayeey xaalada noqotay mid uu culeyskeedu ka xoogan yahay xaafadaha kale, oo waxaad waddo kasta oo xaafadda dhex marta ku arkaysaa Dabley hubeysan oo ka soo jeeda Beelaha Saleyman, Murusade iyo Mareexaan oo si raxan raxan ah loogu soo daadiyay.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadda Dayax ayaa sheegay “Dhibka wuxuu ka jiro mataqaanaa, Mas’uuliyiinta Garabka Qorqor ayaa isku aamini waayay oo ka soo guuray xaafadda Waaberi, oo hadda u soo wareegay xaafadda Dayax, maxaa yeelay xaafadda Waaberi waxaa ku badan taageere-yaasha Ahlu Sunna.”

Ninkan oo magaciisa sababo amni aan u qarinay ayaa markale yiri “Luuq kasta oo ku yaala xaafadda Dayax Maleeshiyo ayaa qoryo la taagan, dadka soo gelaya xaafadda, qaarkood waala baaraa, qaarkoodna waxaaba dhacda in dib loo celiyo sabab la’aan.”

Isagoo ka hadlayay dhibka ugu weyn ee ay iminka qabaan wuxuu yiri “Dhibaatada ugu weyn waxay naga haysataa, hooyadii fool ku qabato xaafadda Dayax xilli habeena, way adag tahay in gaari loogu keeno gurigeeda amaba looga qaado. Way lugayn kartaa mooyee, gaari in looga qaado, ka yaabi maysid.”

Dadka reer Dhuusamareeb ayaa Garabka Qorqor waxay ku dhaliilayan inay suggidii amniga ka barteen amaba ka garanayan oo keliya waddo la xiro, xilli ay jiraan qorshayaal loogu talagalay in ammaanka lagu xaqiijiyo, iyadoo aan bulshada wadooyinka laga hor istaageen.

18860cookie-checkGarabka Qorqor Oo Cunaqabateyn iyo Caburin Ku…