Go’aano Laga Soo Saaray Kulankii..

Politics

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay shirka watashiga beelaha Mudulood oo ay ka qeyb-galeen siyaasiyiin kasoo jeedda beesha, oo ay ka mid yihiin madaxwenayaal hore…

Shirkaas ayaa waxaa xalay laga soo saaray war-murtiyeed ay qodobadiisa ugu muhiimsanaa

1 – In Dowladda federalka ah iyo dowlad goboleedyada ku dhaqmaan, islamarkaana ilaaliyaan dastuurka iyo Sharciga dalka.

2 – In howl-galka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom uu dhex-dhexaad ka noqdo arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

3 – In si wadajir ah looga horjeesto wixii sababi kara qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, islamarkaana xal nabadeed loo maro khilaafaadyada jira; lana dhiso qaran waara oo ka shaqeeya maslaxadda guud.

4 – In dhowaan la qabto shirweyne u dhantahay beesha Mudulood dal iyo dibad, kaasoo looga tashanayo aayaha beesha.

5 – In beesha Mudulood raadiso maqaamka siyaasadeed iyo xuquuqda gobolka Banaadir uu ku leeyahay nidaamka maamul ee dalka.

6 – In la dhisay Guddiga qabanqaabada Shirka wadatashiga Beelweyne Muddulood oo si degdeg loo qaban doono, ayna kasoo qeybgeli doonaan dadka gudaha iyo dibadda.

7 – In beeshu kaalin firfircoon ku yeelato doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/2021.

8 – Waxaa beesha caalamka looga mahad-celinayaa taageerada ay siiyaan Soomaaliia. Waxaa kaloo Bulshada caalamka iyo AMISOM laga codsanayaa inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

18660cookie-checkGo’aano Laga Soo Saaray Kulankii..