Gurmadkii Ciidan Ee Jubbaland Oo Gaaray…

Politics

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Gurmad Ciidamo oo ka tirsan Jubbaland kuna hubeysan Noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii la soo dhaafay ka gudbay degaano ka tirsan Ceel waaq, iyagoo ku sii jeeda Beledxaawo oo maalmo ka hor ay dagaalo culus ka dhaceen….

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan Jubbaland ka tirsan oo ka yimid dhanka degmada Liboy ayaa gudaha u galay Kenya iyagoo ka gudbay xadka, waxaana qorshaha ciidamadan uu ahaa iney weeraraan degmada Beledxaawo.

Sawirro iyo muuqaal la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay tiro badan oo gaadiidka dagaalka iyo ciidamo fara badan oo ka soo gudbaya tuulada wargaduud oo u dhaxeysa Mandhera iyo Ceelwaaq Soomaaliya.

2-dii bishan ayay aheyd markii dagaalo culus oo ka dhacay Beledxaawo uu dhex maray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Ciidamada Jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirkii Amniga Jubbaland ee baxsadka ah C/rashiid Janan.

Dhanka kale, Ciidamo ka tirsan Ethopia oo wata gaadiid dagaal iyo kuwa xamuulka qaada ayaa saakay ka soo gudbay xadka Soomaaliya iyo Ehtopia ee Doolow waxaana ay tageen saldhigga ciidanka DFS ay keentay Doolow halkaas waxaa uu kulan ku dhex maray saraakiisha Ethopia iyo sargaal lagu magacabo Cumar Deeq Xasan oo ah horjoogaha ciidanka Gogor ee Gedo.

Ciidanka Kumaandooska Ethopia ee aan kamidka ahayn AMISOM waxaa ay DFS u isticmaasha burburinta deeganada iyo maamulada Xasiloon.

20510cookie-checkGurmadkii Ciidan Ee Jubbaland Oo Gaaray…