H/Shabelle Oo Ka Taagan Khalkhal Amni Xili Doorashada La Cayimay

Politics

Iyadoo ay mudooyinkii ugu dambeeyay uu ka tagnaa Maamulka H/Shabelle Habacsanaan iyo maamul xumo ayna wehliso amaan darro faraha ka sii baxay, xili lagu wado in 4-bilood kadib ay ka dhacaan Doorasho Baarlamaanka iyo Madaxweynahaba…..

Degmooyinka B/Weyne iyo B/Burte ayaa Waxaa ka tagaan Maamul xumo iyo wareegtooyin wiifto ah oo xilka looga qaadaayo Gudoomiyaha Gobolka iyo Kan degmooyinka, iyadoo aan ilaa hadda la xalinin Khilaafka taagan.

Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa iyaguna laga quustay in Gadiidka ay si nabad ah ku maraan, waxaana la isaga kala gooshaa Safar diyaaradeed, Madaxda iyo Xildhibaanada ayaa wakhtigooda inta badan waxey ku qaataan Magaalada Muqdisho, halkii laga rabay iney ka howlgalaan Xarunta Jowhar, iyagoo Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta qaarkood ay sheegeen ineysan Naftood ku aamini karin Magaalada Jowhar.

Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ayaa waxey gacanta ku hayaan qeybo badan oo ka mid ah Degaanada hoos yimaada Gobolada Hiiraan iyo Shabellada Dhexe, Maamulka Mr.Awaare ayaa ku fashilmay inuu la yimaado qorshe cad oo Amniga wax looga qabanaayo. Waxaana joogto noqday falalka isugu jira qaraxyada, dilalka qorsheysan iyo weerarada lagu qaadaayo fariisimada Amisom iyo Ciidamada Maamulka.

Mr.Waare ayaa sheegay in Bisha September 2020 la soo xuli doono Xildhibaanada Dowlad goboleedka halka Bisha October la qaban doono doorashada Madaxweynaha, waxaana lagu wadaa in doorashooyinkii macmilka ahaa ee Maamulka Fadhiidka ee Villa Somalia looga bartay ay u dhacaan, isla markaasna laga taageero Safaarada Mareykanka ee Muqdisho.

27380cookie-checkH/Shabelle Oo Ka Taagan Khalkhal Amni Xili Doorashada La Cayimay