Hay’ada Xuquuqda Aadanaha Oo Ku Eedeysay Isra’el In Xasuuq Ay Ka Geysatay Gaza..

Security World

Hey’adda Xuquuqda Aadanaha (HRW) oo warbixin ay soo saartay ku eedaysay Isra’el iney sababtay Dhimashada kumanaan Falastiiniyiin ah oo ku nool marinka Gaza, kadib markii ay Ciidamadeedu ka horjoogsadern iney helaan biyo ay cabaan…

Xukuumada Yuhuuda ayaa wajahaysa eedeymo isdabajoog ah oo Hey’adaha Caalamiga ay u jeedinayaan iyadoo warbixintan ay soo saartay HRW ay tahay tii ugu dambeysay ee loo soo jeediyo tan iyo markii ay bilowday 14bilood kahor dagaal ka dhan ah ururka Hamas,

Warbixin ay diiradda ku saartay biyaha, Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay New York ayaa faahfaahin ka bixisay waxa ay ugu yeertay sida ulakaca ah ee mas’uuliyiinta Israa’iil ay ugu diiday biyaha dadka ku nool Gaza inay sababatay inay kumanaan dhimasho ah,lagana yaabo inay sii socoto dhimashadaas.

Warbixin kale oo ay soo saartay Khamiistii, Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa ku eedaysay Israa’iil inay burbur baahsan ka geysatay Gaza waxayna xustay calaamadaha isir sifeynta inay ka dhaceen waqooyiga dhulka Falastiin, Isra’el ayaa horraantii bishii Octobar ka bilowday howlgal Ciidan oo ballaaran oo ay ka wado guud ahasn magaalada Gaza, taasoo ay sheegtay inay uga gol lahayd inay ka hortagto Hsmas inay dib isu soo abaabusho.

353780cookie-checkHay’ada Xuquuqda Aadanaha Oo Ku Eedeysay Isra’el In Xasuuq Ay Ka Geysatay Gaza..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *