Hogaamiyihii Suufiyada Oo Garoowe..

Politics

Hoggaamiyaha guud ee Ururka Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Xasan Faarax ayaa saakay ka dhoofay magaalada Dhuusamareeb isagoo ku sii jeeda magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Punland…

Macalin Maxamuud ayaa kamid ah madax ka tirsan ururka Ahlu Sunna oo laga itaal roonaaday kadib dagaal ay ciidamada Ahlu Sunna la galeen Maamulka Farmaajo.
Ka bixitaanka magaalada Dhuusamareeb ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa ka dambeysay kadib markii uu xalay la kulmay Mr.Qorqor.

Macalin Maxamuud ayaa warar soo baxayay shalay ay sheegeen inuu codsaday inuu gaaro magaalada Garowe halkaasoo uu ugaga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa soo baxayay xalay warar sheegayay in Madaxda ugu sareysa dowlada federalka ay dooneysay in Muqdisho la geeyo hogaamiyaha Ahlu Suna iyo weliba qaar kamid ah madaxda ururkaas, iyadoo diyaarad la diyaarshay la joojiyay.

19690cookie-checkHogaamiyihii Suufiyada Oo Garoowe..