Hogaanka Ciidamada Oo Lagu Eedeeyay Iney Dhinac La Safteen..

Politics

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Bulshada Xildhibaan ka Tirsan Golaha Barlamaanka, ayuu kaga digay In Hogaanka Ciidamada ay dhinac la saftaan dagaalada Siyaasiyiinta u dhaxeeya, wuxuuna Sidoo kale sheegay in Talaabadabuu Maamulka qaaday ay horseedi doonto in Ciidamo gaar la dhisto…

Halkaan ka Akhri:-
Waxaan aqriyay warqad ciidan oo baraha bulshada isla markii la soo saarayba lagu faafiyey taasoo u muuqata mid propagando iyo daandaansi looga gol leeyahay!

Taliyaha warqadda ku saxiixan waa nin la qasbayo, umana malaynayo in lagala tashaday ama uu wax talo ah ku lahaa ciidamada shaqada leexsan loogu diray Galmudug iyo Gedo, ama uu talo ku leeyahay ciidamada la hayb soocayo ee madaxtooyada laga bedelay ama ciidanka labada kun ka badan ee shaqada iyo ujeedooyinka leexsan uu Md. Farmaajo ka leeyahay ee uu ku magacaabay ilaaladadiisa!

Haddii warqaddan ujeedka laga leeyahay ay tahay in madaxweynayaashii hore ilaalada Boqolka ka yar laga qaado, ayadoo Md. Farmaajo rabo inuu isku ilaaliyo 2 kun, loona loogo kooxaha argagixisada ama unugyada qarsoon ee shirqoolada In ay weeraraan madaxdii hore taasi waa qorshe fashilan ee yaan la isku daalin, hana la ogaado In ay albaabada u furayso in ciidamo gaar ah oo ilaalo ah la samaysan doono, kuwaasna aysan jidgooyo u dhigan karin ciidamada beelaysan ee Eritrea soo tababartay!

Haddii taliyuhu uu awood leeyahay oo ciidanka XDS u taliyo oo shaqo qaran ciidamo qabta u baahan yahay ha soo celiyo kuwa Gedo shaqaaqada ka wada, ama Galmudug baagamuudada ku ah ama kuwa Farmaajo isku hubaynayo ee labada kun ka badan wixii intaas ka soo hara waa beegsi gaar ah oo aan loo dulqaadan doonin.

22580cookie-checkHogaanka Ciidamada Oo Lagu Eedeeyay Iney Dhinac La Safteen..