Hogaanka Suufiyada Oo UAE Gaaray..

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya safar ay Hogaanka Suufiyada ku gaareen Magaalada Abu Dhabi ee UAE, kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen madaxda dalkaasi…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Ahlu-Sunnah Macalin Maxamuud Sheekh Xassan, Sh Shaakir iyo labo xubnood oo kale ayaa ka dhoofay Madaarka Garoowe ee Caasimada Puntland.

Wafdigaan ayaa la kulmi doonna Madaxda ugu sareysa Amiirada UAE, iyagoo diirada wada saaraya taageero Imaaraadku siin doonno Ahlusunna si dib loogu nooleeyo kaalintoodii siyaasada Galmudug,

Kaalin Dhaqaale iyo mid milatari ayay imaaraadku Ku bixin doonnaan Ahlusunna iyadoo looga faaiideynayo Saldhig milatari oo Puntland qorsheysay in laga siiyo Deegaanka Heema oo 35KM u jira Gaalkacyo sida aan kasoo xiganey xubnaha inoo waramey.

21050cookie-checkHogaanka Suufiyada Oo UAE Gaaray..