Hogamiyayasha Baarlamaanka Oo Muqdisho..

Politics

Wararka naga soo gaaray Magaalada Ankara ayaa sheegaya in diyaarad khaas ay dalka Turkiga kasoo qaaday Madaxweynihii Hore Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo labada Gudoon ee Baalaramaanka JFS….

Safarka Mas’uuliyiintaan oo maalmihii dambe lahadal hayay, ayaa galabta lagu wadaa iney hal diyaarad kusoo gaari doonaan Magaalada Muqdisho.

Sida Diinah.com loo soo gudbiyay abaaraha 03:30 xiliga galabnimo ayeey kusoo aadan yihiin Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in dalka uu galo marxalad siyaasad tii ugu adkeykeyd ee soo marta MW Farmaajo iyo RW Kheyre iyadoo looga fadhiyo in BJFS ay hortagto Madaxa Guddiga Doorashayoonka Xalimo Ismail (Xalimo Yarey)

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay inta badan Xildhibaanada BJFS ee labada aqal iyo Guddoonkaba aanay rabin muddo kororsi ay hesho Villa Somalia, waxaana lagu wadaa in ay doorashada dhacdo muddadadii loogu talo galay

34460cookie-checkHogamiyayasha Baarlamaanka Oo Muqdisho..