Hoobiyayal Lagu Weerary Xarumaha Amisom Iyo Suuq

Politics

Weerar Hoobiyayaal ah ayaa saaka lagu qaaday Xarunta Taliska Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee Xalane, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhaw xeradaasi….

Ilaa 7- Hoobiye ayaa lagu Weeraray, iyadoo qaarkood ay ku dhaceen goobo dad shacab ah ay joogeen gaar ahaan Suuq lagu kala iibsado Geela oo ku dhaw Xarunta Xalane ee Degmada Wadajir.

Goobjooge degaanka ku sugan ayaa sheegay in Hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Xero Geella lagu Xareeyo oo ku taalla Xaafada Tarabuush ee degmada Wadajir iyo Guri ay deganaayeen dad Rayid ah oo ku yaalla meel u dhow Xarunta Dugsiga Tababarka dhegabadan ee Ex Jaziira.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Hoobiye uu ku dhacay agagaarka Koontoroolka Ciidanka Dowladda ee Xalane ee degmada Wadajir ay ku geeriyoodeen Afar Ruux oo isku  qoys ahaa halka  Islaan da’aheyd ay ku geeriyootay Xerada Geella taasoo lagu Magacaabi jiray Nuuro Maxamed Cosobow.

30160cookie-checkHoobiyayal Lagu Weerary Xarumaha Amisom Iyo Suuq