Horjooge Laga Eryay Shaqada…

Politics

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Horjoogaha Boliiska madaxda ka ah ayaa qoraal uu soo saaray uu xilka ka qaaday Madaxii Saldhigga Booliska degnmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho…

Sida wararku sheegayaan, G/le.Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganeey) oo xilkan hayay muddo gaaban wax waxaa shaqada ka eryay Horjooge Cabdi Xasan Xijaar, iyadoo xil ka qaadistan ay tahay mid ku timid si lama filaan ah.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in xilkan loo soo magacaabay Horjooge lagu magacaabo Ismaaciil Saciid, kaasoo Jufo hoose la ah Yasin Gabney wuxuuna Kuxigeen ka ahaa Saldhigga Xamar Weyne, iyadoo la filayo in xilka uu la wareego todobaadka soo socdo.

Yaasiin Ganeey oo kamid ahaa saaxiibada ugu dhow Horjooge Saadaq Joon ayaa xilkiisa ku waayay cabashooyin is daba joog ahaa oo mudooyinkan soo gaarayay iyo wada shaqeyn xumo uu ka sheegay Taliyaha qeybta Galbeed ee Ciidanka Boliiska Yuusuf Xundubeey.

Horjoogaha qeybta guud ee Boliiska gobolka Saadaq Joon ayaa ka carooday xilka qaadistan, wuxuuna cabasho ka dhan ah Taliye Xijaar u gudbiyay Ra’isul wasaaraha oo uu hoos tago halka Xijaar uu hoos tago una Adeego Farmaajo.

20710cookie-checkHorjooge Laga Eryay Shaqada…