Howlgalo Dhalinyaro lagu qabtay..

Politics

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya In Howlgalo iyo baaritaano ay qaadeen Xoogaga amaanka ayaa caawa ka wadaan qeybo ka mid ah degmooyinka Waaberi iyo Xamarjajab ee Gobolka Benadir.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Xoogaga hubeysan ay Caawa xirteen waddooyinka qaar sida waddada isku xirta isgoysyada Afisyooni iyo Ceel-gaabta.

Ciidamada ayaa guryahooda kala baxay dhallinyaro fara badan waxeyna dad goobjoogayaal ah ii xaqiijiyeen in dhallinyaradii la aruurshay lagu xareeyay dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye.

17400cookie-checkHowlgalo Dhalinyaro lagu qabtay..