Iibsiga Noocyada Hubka Oo Caalamka sare uga kacay & Sababta ka Dambeysa..

Security World

Warbixin uu soo saaray Machadka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Cilmi-baarista ee dalka Sweden, ayaa lagu sheegay inuu korar baaxad lihi ku yimid kala iibsiga noocyada Hubka culus iyo Qalabka militariga ee Caalamka intii ay dagaaladu ka socdeen Dalka Ukraine, magaalada Gaza iyo waliba meelo kale oo dunida ah…

Warbixintaan ayaa lagu xusay in Shirkadaha Farsameeya Noocyada Hubka ee Dalalka China, Russia iyo USA ay macaash badan ka sameeyeen iibinta Hubka, waxana warbixinta lagu sheegay in 100-ka Shirkadood ee ugu waaweyn ay sameeyeen dakhli dhan $632 billion, tiradaasi oo muujinaysa inuu wax soo saarkoodu kordhay 4.2% sanadkii hore.

Sare u kacaan ayaa la qiray inuu Calaamad u yahay in baahida loo qabo Hubka ay sare u kacday laga soo bilaabo sanadkii 2022-kii markii uu qarxay Dagaalo dhowr ah oo khatar galiyay Amaanka Guud ee Aduunka, iyadoo Dagaalada kasocda Dalalka Russia vs Ukraine iyo Israel vs Hamas iyo Lebanon iyo kan ka qarxay Dalka Syria uu khatar geliyay Amaanka Caalamka.

Shirkadaha Hubka Farsameeya ee China iyo Russia ayaa macaash badan ka sameeyay Iibinta Hubka ay farsameeyaan kuwaasoo aan xog dhameystiran laga heynin Hubka ay Iibiyaan sababo la xiriira ku darsoo Dalka Iran ayaa safka hore ja soo muuqday kadib markii ay soo saareen Drones khatar ah oo burburiya Taangiyada iyo Madaafiicda culus, xiligaan waxaa khatar ku jira Amniga guud ee Aduunka, iyadoo laga cabsi qabo inuu qarxo Dagaalkii 3-aad.

351790cookie-checkIibsiga Noocyada Hubka Oo Caalamka sare uga kacay & Sababta ka Dambeysa..