Imaam Masaajid & Qaraabadiisa oo lagu Dilay Degaan ka tirsan Dalka Ethiopia…

Africa News Security

2-sano ee ugu dambeysay ayaa waxaa aad looga deyrinaaya xaalada Amaan iyo Degaansho ee Dalka Ethiopia tan iyo markii uu xukunka la wareegay Mr.Abiy Ahmed, iyadoo ay ku soo badanayaa Dilalka qorsheysan ee Isir sifeynta salka ku haya ee u dhaxeeya Qowmiyadaha Dalkaasi ku wada nool..

Ugaarsigii ugu dambeeyay ayaa la sheegaya in dilay Dad Rayid ah oo ku sugnaa Gobolka Oromada, waxaana la dilay Imaam Masaajid oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamed Makin Xaaji oo Imaam ka ahaa Masaajid ku yaal Degaanka Dera ee Waqooyiga Shoa, iyadoo Dilka ka hor la afduubay Imaamka iyo 11-Qof oo kale Masaajid ku yaal Kelada Adea Milkie.

Wararka ayaa sheegay in Imaamka iyo Dadka la afduubtay ay qaraabo yihiin, waxaana la sheegay in Ururada Xuquuqul Insaanka ee Dalkaasi ka dhisan ay ka amuusan yihiin tacadiyada ka dhacaaya Dalkaasi, iyadoo Hey’adaha Amaanka lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan Ficiladaan Dilalka xambaarsan oo kooxaha hubeysan ee Oromada ka wadaan degaano ka tirsan Dalka Ethiopia.

348790cookie-checkImaam Masaajid & Qaraabadiisa oo lagu Dilay Degaan ka tirsan Dalka Ethiopia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com