Is-Rasaaseyn Dhex Martay Laba Maleeshiyo

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya is-Rasaaseyn dhex martay laba garab oo ka wada tirsan Kooxda Shabaabka, falkaan oo ka dhacay degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe, kadib markii ay ku murmeen qabashada Horjoogayaal Ajaaniib ah….

Xogtaan ayaa u sheegtay Diinah.com in is-Rasaaseyntani ay dhaxmaray qeybaha Xisbada iyo kuwa Jabhadaha ee Kooxda. iyadoo uu dirirtu salka ku hayaa khilaaf ku saabsan ajaaniib ku eedeysan basaasnimo.

Khabiir amni ayaa sheegay in Isku dhacdaani dhaxmaray Kooxda Shabaab uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah, islamarkaana ay weli taagan tahay xiisadda arrintaasi ka dhalatay.

Ajaaniibta ku eedeysan basaasnimada ayaa la sheegay iney gaarayaan ilaa 4-xubnood, kuwasoo u kala dhashay ilaa 3- dal oo kala duwan. Horjoogaha Kooxda ayaa doonayay in qaar ka mid ah Ajaaniibtaan la toogto halka qaarkood ay qabaan in aan la dilin sababo badan aawgeed.

Kooxda Shabaab ayaa hore u dilay xubno badan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaaniib kuwaasoo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Dadka basaasnimada loo dilay waxaa ku jira caruur iyo dumar.

Isku dhacaan ayaa imanaya iyadoo oo horey loo faafiyay inuu muddo dheer uu khilaaf u dhaxeeyey hoggaanka sare ee kooxda, kuwaasoo haatan u muuqda iney laba garab u kala jabeen.

27160cookie-checkIs-Rasaaseyn Dhex Martay Laba Maleeshiyo