Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Muqdisho

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya is-rasaaseyn la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa xalay ka dhacay xaafadda Tarbuush ee degmada Wadajir, iyadoo hadda qabowday rasaasta laba dhinac is weydaarsanayeen….

Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo maleeshiyo degaankaasi degan. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo aan la aqoonsan ay weerar ku qaadeen Guri uu degana taliye ciidan oo magaciisa lagu sheegay Bille Af-dheere, kaasoo degan Xaafadda Tarbuush ee degmada Wadajir.

Rasaas saacad ka badan socotay ayaa labada dhinac is-weydaarsadeen, iyadoo aan faahfaahin buuxda laga bixin dagaalkaasi iyo qasaaraha ka dhashay, laakiin dadka degaanka ee dagaalku qabsaday ayaa sheegay inay ka baxeen guryaha u dhow goobta lagu dagaalamay.

Dagaalkan ayaa yimid saacado kadib markii Caawa maqribtii weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday Xerada Xalane, kaasoo ay sheegtay Alshabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalkii uu hadda istaagay iyadoo xaaladda ay hadda degan tahay.

33040cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacday Muqdisho