Jubbaland Oo Ka Warbixisay Dagaal Ka Dhacay..

Politics

Saraakiisha Amaanka ee Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixiyay iskahorimaad ku dhex maray ciidamo ku sii jeeday magaalada Dhoobley iyo Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan…

Mas’uul ka tiran ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday magaalada Dhoobley uu dagaal adag la galeen dagaalamayaal Shabaabka ka tirsan kadib markii ay weerar jidgal ah ku sameeyeen ciidamada Jubaland oo marayey duleedka degaanka Qooqaani.

Dagaalka ayuu maamulka Jubbaland ku sheegtay inay ku dileen siddeed ka mid ah dagaalamayaasha Shabaabka halka labo ka mid ah ciidamadoodana ay ku geeriyoodeen.

Hase yeeshee warar madax banaan ayaa sheegaya in iskahorimaadka ka hor lagu qarxiyay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada Jubbaland.

17610cookie-checkJubbaland Oo Ka Warbixisay Dagaal Ka Dhacay..