Kenya Oo La Wareegeysa Gadiid..

Politics

Maamulka Uhuruu ee Kenya ayaa ku dhawaaqay iney la wareegayaan gaadiid loo kala waday dalalka deriska la ah oo ay ka mid tahay Somalia…

Saraakiisha Amaanka ee Kenya ayaa sheegay In Gaadiidkaan inta badan ay yihiin kuwo qaab sharci darro ah la doonaayo in loo adeegsado, gadiidkaan ayaa lagu qabtay howlgalo gaar ah oo ay fuliyeen Xoogaga Amaanka.

Baabuurtaan oo tiradoodu lagu sheegay 300, ayeey Saraakiishu ay sheegeen In loo kala waday dalalka Somalia, South Sudan, Malawi, Burundi, Tanzania, Uganda iyo DRC, ilaa hadda Ma cadda ujeedada ka dambeysa qabsashada Gadiidkaan oo u badan noocyada Casriga ah ee dunida laga adeegsado.

Kenya ayaa horey ula wareegtay isla markaasna qaarkood burbursay badeeco loo soo waday Somalia, iyagoo u cuskaday sharci darro, Maamulka Uhuruu ayaa xoojiyay cunaqabateynta iyo caburinta Shacbiga Somalia, kadib markii ay xakameyn waayeen weeradada ay ku qaadaan Kooxda argagixisada ee Shabaabka.

Dhanka kale, waxaa la sheegay In Howlgalkaasi lagu qabtay 37-qof kuwaasoo waday Gadiidka, iyadoo la tilmaamay iney ka dambeeyaan musuqmaasuqa, bishii April ee sanadkii hore ayeey Kenya qabtay laba gaari oo noo a cusub oo laga soo xaday Boqortooyada UK.

17510cookie-checkKenya Oo La Wareegeysa Gadiid..