Kenya Oo Shuruud Ku Xirtay Heshiis Ay La Gasho…

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya in Ergeyga Kenya (Fred Matiang’i) ee Maalmahaan safarada ku kala bixinaayay Dalalka Somalia iyo Ethiopia uu hor dhigay shuruud ay ka mid tahay in Dacwada Badda lagu dhameeyo meel ka baxsan Maxkamadda Cadaalada Aduunka..

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Oo Shalay la kulmay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Mr.Abiy Ahmed, ayaa kala xaajooday Ethiopian-ka xalinta xiisada xuduuda ee Kenya iyo Somalia, iyadoo lagu soo qaaday qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay Dacwada Badda ee Bisha Juun Dhageysigeeda loo balansan yahay.

Ilo wareedkaan ayaa xaqiijiyay in Mr.Abiy uu mab’d ahaan uu oggol yahay in Kiiska Badda lagu dhameeyo wada hadal isla markaasna uu kala sheekeystay Mr.Farmaajo, iyadoo aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin.

Xiisadaan u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ayaa heerkii ugu hooseysay gaartay kadib markii Ciidamada Dowlada Federaalka ee laga daadgureynta Magaalada Muqdisho ay xoog kula wareegeen Degmooyinka Luuq,Doolow iyo B/Xaawo iyagoo gacan ka helaaya Ciidamada Ethiopia, waxeyna weeraro ku qaadeen fariisimada Ciidamada Jubbaland ee duleedka Magaalada B/Xaawo,iyagoo Ciidamada qaarkood ay Gudaha u galeen qeybo ka mid ah Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya.

21450cookie-checkKenya Oo Shuruud Ku Xirtay Heshiis Ay La Gasho…