Kheyre Oo Hanjabaado u Jeediyay Wasaarada Caafimaadka

Politics

Macluumaad ayaa sheegaya In Saraakiisha Xafiiska Wasiirka 1-aad ay maalmihii ugu dambeeyay, Waxey soo saareen Amaro adag, digniino xambaarsan hanjabaado ku wajahan Saraakiisha ku Howlan Ololaha Caafimaad ee Covid-19…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kadib markii la helay Dhaqaale lacageed oo dhan 15, 000 000 US$ si dag dag loogu shubay koontada Wasaarada Maaliyada Federaalka oo loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka safmarka ah covid19.

Saraakiisha Xafiiska ra’iisul wasaaraha waxey ku amreen Saraakiisha Wasaarada Caafimaadka iney si deg deg ah u soo wareejiyaan shaqada Covid19 iyo dhaqaalaha loogu talagalay cudurkan, Wasiirada cafimaadka Federaalka Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa iska diiday Talada Wasiirka 1-aad ee wareejinta shaqada Ololaha Caafimaadka ee dalka waxayna si cad ugu sheegtay iney masuul ka tahay caafimaadka Dalka.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Horjooge Yaxye Cali Hareeri, ayaa la sheegay inuu ka dambeeyo qorshaha la damacsan yahay in Mashruucaan looga wareejiyo Wasaarada Caafimaadka, lana hoos geeyo Xafiiska Wasiirka 1-aad.

Mr.Hareeri ayaa ah Milkiilaha isbitaalka Jazeera (EX. Gurigii Hore Ubax Kacaanka), waxuu kale oo uu share Dhaqaale ka qaata Isbitaalka Yardameli oo ay Wasiirka Caafimaadka ay isku dhaceeen sababa la Xiriira Maamulka Isbitaalka iyo doorka Dhaqaale.

34700cookie-checkKheyre Oo Hanjabaado u Jeediyay Wasaarada Caafimaadka