Khilaaf Ka Dhashay Xulista Saraakiil

Politics

Macluumaad hordhaca ayaa laga soo sheegaya Khilaaf ka dhashay sida loo soo Mareynaayo Saraakiil ciidan oo loo qaadayo tababar dibeda ah…

Wararka ayaa sheegaya in Khilaafkaan uu salka ku hayo in ciidanka loo soo xulo qaab ku saleysan beeleedyo iyo in loo soo xulo nidaam kale oo u degsan ciidanka qaranka, balse waxaa ku gacan seyrtay haweeney ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Tababarka oo ay ka faa’iideysan doonaan tiro kooban ayaa la qorsheeyay inuu dhawaan dibadd ka dhaco balse waxaa dib u dhigay dood taagneyd iyo cudurka Coronavirus, waxayna wararku sheegayaan in loo qaadi lahaa Turkiga halka warar kalane ay sheegayaa in loo qaadi lahaa Ruushka oo muddo dheer kadib billaabaya tababarka saraakiisha ciidamada.

Haweeney xafiiska ra’iisul wasaaraha ka tirsan oo ciidamada qaabilsan waxay dalbatay in iyada ay soo xusho halka taliyaha xoogga uu diiday waxayna arrintu u gudubtay ra’iisal wasaaraha iyo madaxweyanha,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan xarunta taliska Xoogga ee Gaashaandhiga Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhamaan la’a khilaaf iyo muran kala dhaxeeya xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo Khilaafkaan uu curyaamiyay howlaha Wasaarada.

23570cookie-checkKhilaaf Ka Dhashay Xulista Saraakiil