Khilaafka Kooxda Icsitaam Oo Gaaray Heerkii Ugu Sareeyay

Politics

Mar kale waxaa dib loo dhigay Kulankii Golaha Shuurada ee Urur diimeedka Al- Ictisaam horayna u ahaan jiray Ururkii burburay ee Al Itixaad Al Islaami, Waxaa 6-dii ee la soo dhaafay ka socday dalka dibadiisa iyo gudahiisa Kulamo gooni gooni ah oo u dhaxeeyay hogaanka Ururka Ictisaam iyo Hogaanka Majmaca ee ururka…

Kulamadaan ayaa la xiriiray doorka Ururku ku yeelano siyaasada mustqabka dalka Somalia, gaar ahaan Maamulkaan xiligaan dhisan, Ururkaan ayaa waxa uu gacan saar buuxa la leeyahay Villa Somalia iyadoo gacan-saarkaas uu daaha gadaashiisa uu ka hagaayo Adeege Fahad, Farmaajo ayaa waxa uu dhaqaale joogta ah u qoray guud ahaan hogaanka dhexe ee ururka ee ku sugan magalaada Muqadisho, kaas oo uu horseed u yahay Shiikh Bashir Salaad.

Al Ictisaam oo dano badan ka leh siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa la soo daristay dhowr caqabadood oo  halis ku ah sii hanashada awooda  saameynta leh oo ay ku leeyihiin siyaasada  iyo hogaanka dalka.

Culaysyada la soo darisay ururka ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Mr.Farmaajo oo ku dhiiran waayay in uu faafiyo dikereeto uu horay ugu qoray Ururka Al Ictisaam taasoo uu ku sheegayo in Shiikh Bashir Salaad oo ah hogaanka Urur Diimeedka Al Ictisaam uu noqdo Mufti-ga” wayn ee culumada Soomaaliyeed, taas oo macnaheedu tahay in  isaga kaliya uu awood u leeyahay in uu soo saaro “Fatwo” diineed ku saabsan siyaasada iyo nolosha dadka Soomaalida. Fatwaas ayaa  waxa fulinaya hay’addaha dowliga ah ee hoosyimaada dowlada Fedaraalka. Diidma Farmaajo ee taabagalinta dikereetada uu horay u qoray Farmaajo ayaa timid kadib markii Ururka Al Sunna Wajameecaay uga digeen Farmaajo inuu qaado talaabo noocaas ah.
  2. Ururka Al Ictisaam ayaa dareemaya in saameyta rasmiga ah oo ay ku leeyihiin Dowlada Farmaajo ay ku soo koobnaatay dhaqaale laakiin ay si dadban u sii luminayaan awoodii siyaasadeed oo ay ku lahaayeen dalka guud ahaan, gaar ahaan dowlada Fedaraalka.
  3. Urur Diimeedka Al Ictisaam oo horay ugu fashilmay dagaalkii hubaysnaa oo ay kula dagaalameen dowlada Soomaaliya iyo qaar ka mida wadamada dariska ah, ayaa waxa ay hada dareemayaan  in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Wajeema lagu  daray ciidamada amniga ee dalka, Arintaan ayeeyna ku eedeynayaan in uu ka danbeeyay Wasiirka Madaxtooyada Xildhibaan C/qaadir Baqdaadi oo xubin ka ah ururka Al Sunna,  kaas oo si dadban ugu guulaystay in kumanaan ciidamo Al Sunna ah uu ku darsado ciidamada kala duwan ee ka jira dalka. Talabadaan ayaana keentay in cabsi la soo daristo ururka Al Ictisaam oo markoodii hore diirada saari jiray sadax shey; Caqiidada, Tarbiyada iyo Jihaadka, gaar ahaan Jihaadka, laakiin sanadihii u danbeeyay yareeyay  maalgalinta ciidan gaar ah  iyo Jihaad toos ah, laakiin si dadban xiriir ula furtay ururka Al Shabaab.
  4. Ficil celintii ay ururka Al Sunna ay ka sameeyeen safarkii uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu sanadkii hore ku tagay Magalaada Muqadisho, kaas oo looga horistaagay in uu la hadlo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqadisho, iyo iyada oo ayan  dowlada Fedaraalka talaabo arintaa looga hortagayo qaadanin, taas ayaana  ku abuurtay ururka Al Ictisaam cabsi hor leh oo ku wajahan mustaqbalkooda siyaasadeed. Shiikh Bashir Salaad  oo arintaan ka hadlaya ayaa yiri “hadii aanan tilaabo deg deg ah uusan qaadin Al Ictisaam, shayaadiinta Suufiyada ayaan dalka uga guuraynaa”. Hadalka Shiikh Bashir ayaa ahaa mid uu uga soo horjeedo qudbadii uu  Shiikh Soomow aqriyay ururka Al Sunna Wajameeca.
  5. Ururka Al Islah oo markii hore ku ekaa waxbarashada oo kali ah ayaa hada waxa uu bilaabay in uu dhexgalo siyaasada dalka iyaga oo isku arka in ay ka aqoon iyo firfircoonaan badan yihiin ururka Al Ictisaam. Tusaale, labada nin ee  ka midka ahaa aas-aasayaasha ururka Al Islaax oo gacansaarka dhaw la leh ururka Akhwaanu-Muslimiin ka jira dalka Masar, Cabdiraxaman Macalim Cabdullahi (Baadiyow) iyo Cali Shiikh ayaa labadaba waxa ay hada ka mid yihiin maamulka Xasan Cali Kheyre, Dhanka kale waxa ay baarlamaanka ku leeyihiin xildhibaano halka dhowr wasiir ay ugu jiraan xukumaada Xasan Cali Kheyre.  Al Islaax oo ka soo horjeedo saamaynta Ururka Al Ictisaam ku leedahay siyaasadda Soomaaliya ayaa rajo uga jirtaa in ay si dadban ula wareegaan hogaanka dalka. Baadiyow ayaa ah lataliyaha Xasan Kheyre halka Dr Cali Shiikh uu yahay la taliyaha gaarka ah ee Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo xubin firfircoona ka ah ururka Al Islaax. Talaabada uu qaaday ururka Al Islaax ayaa walwal dheeraad ah  galisay ururka Al Ictisaam.

Talaabada uu qaaday Adeege Fahad Yasin si uu ugu xaqiijiyo in ururka Ictisaam saamayntiisa siyaasada dalka ay sii xoogaysato inta uu isagu lug ku leeyahay siyaasadda dalka.

  1. Xubno ka mida Ururka Ictisaam, ha noqdeen kuwo si toos ah u sheegta ururka ama kuwa lagu tilmaamo kuwa qarsoon “Sleeping Cells” ayaa Fahad Yasin waxa uu u dhiibay qaybo ka mida hawlaha amniga dalka, kuwaas oo ay ku jiraan hogaanada kala duwan ee ciidanka, sida hogaanka tababarka ciidanka NISA oo uu madax uga dhigay wiil uu dhalay Sheekh Maxamuud Shibli. Waxaa kalo xubno uu ugu daray golaha wasiirada, safiiro iyo hoogaanka socdaalka ee dowlada Fedaraalka.
  2. Fahad oo gacanta ku hayo dhaqaalaha dalka Soomaaliya ka soo gala dalka Qatar ayaa si toos ah ama si dadban ku caawiya ururka Al Ictisaam.
  3. Sanadkii hore iyo sanadkaan ayaa qaar ka mida ganacasatada Ururka Ictisaam waxaa qandaraas lagu siiyay in ay Xajka u qaadaan xujeyda, mid  ka mida ganacsatadaas oo lagu magacaabo  Shiikh Cabdirisaaq Jiir oo ganacsiyo kala duwan ku leh dalka Kenya iyo gudaha Somalia.
  4. Fahad Yasin oo balan qaaday in xubnaha Ururka Al Ictisaam ee hada ku jira Baarlamaanka uu dhaqaale ku bixin doono sidii ay dib ugu  soo ceshadaan xubinimadooda.
  5. Dowlada Fedaraalka oo qandaraasyo ku siisay ganacsato ka tirsan ururka Al Ictisaam, qandaraasyadaas (Al-Curuuba Hotel) oo isugu jiro dhismo loo dhisaayo dowlada xarumo iyo qalab loo soo iibinayo wasaaradha dowlada Fedaraalka, taas oo siisay ururka ilo dhaqaale oo ay ku mareeyaan barnaamijyadooda gaarka u ah.
  6. Fahad Yasin oo ku guulystay in uu Ururka Al Sunna ka saaro degaanka Galmudug isla markaana bilaabay in uu ku abuuro halkaas xubno ka mida ururka Al Ictisaam, gaar ahaan in ay Al Ictisaam qayb ku yeeshaan hogaanka Galmudug, tusaale taliyaha cusub ee NISA ee Galmudug waa nin  horay uga tirsanaan jiray  Urur Diimeed Al Itixaad. Hadana ka mida Al Ictisaam

Aragtiyaha isdiidan ee hogaanka Urur Diimeedka  Al Ictisaam 

Waxaa in mudo ah ka dhex jiray hogaanka ururka  dood la xiriirta sida ay u wajahayaan doorashada sanadka 2020/21 ee lagu wado in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya. Doodaan ayaa salka ku haysta labo aragtiyadood oo iska soo horjeeda:

  1. Ka fogaanshaha Musharax Wadaad ah: Qaar ka mid ah madaxda Al Ictisaam ayaa rumeysan in ay adag tahay in qof ka mid ah ururka Al Ictisaam  oo la yaqaano ama ah wadaad ka soo jeedo urur diimeed  ku abtirsada Ururka Al Ictisaam ay  shacabka Soomaaliyeed doortaan ama ay mas’uuliyad ku aaminaan, sidaas darteedna kooxda qabta fakarkaan  waxa ay ka soo horjeedaan in ururku taageero musharax ka mida dhaq-dhaqaaqa Al Ictisaam. Waxa ay rumaysan yihiin in ururka keensado shaqsi “iclaami” ama aan ahayn wadaad laakiin ururku gadaal ka maamulo sida Maxamad Cabdullahi Farmaajo.
  2. Taageerida Musharax Ictisaam ah:Culamo kale oo ka tirsan Al Ictisaam ayaa qaba, oo uu ku jiro, Shiikh Bashiir Salaad, in markii ugu horeeysay uu Ururka Al Ictisaam si toos ah uu ula wareego hogaanka dalka iyada oo aan la dhex marin qof ka baxsan ururka Diimeedka Shiikha iyo culumada la qabto fakarkaan ayaa ku doodaya in ay adkaan doonto in dalka lagu dhaqo diinta Islaamka ilamaa uu ururku si toos ah ula wareego hogaanka dalka. Waxaa uuna rumaysan yahay in aan laga adkaan karin  ururada diimeedyada kale  sida Al Sunna, Al Islaax iyo kuwa uu ku tilmaamay “balaayo hada soo baraarugtay” hadii aan la helin Madaxweyne ka mida culamada Al Ictisaam.

Maxaa ka soo baxay Kulamadii magalaada Nairobi

Shiikh Dahir Geele oo ka mid ah aas aas-aasayaasha urur Diimeedkii Al Itixaad Al Islaami, horayna u soo noqday afhayeenka ururkii Maxaakiimta Islaamiga , hadana xubin firfircoon ka ah ururka Al Ictisaam ayaa ka mida musharixiinta urur diimeedyada ee iclaamiyay in ay u taagan yihiin doorashada madaxweynaha Soomaaliya.  Fahad ayaa rumaysan in la kordhiyo mushraxiinta uu isagu saamaynta ku leeyahay si marka danbe cududooda doorasho uu halmeel isugu geeyo, sidoo uu ka sameeyay Galmudug. Taas oo macnaheedu tahay  in musharaxiin badan ay malxiisayaal u noqdaan Madaxweyne Farmaajo.

Maalintii labaad ayaa kulankii dib   loogu qabtay isla hoteelka Dubai, waxa ka soo qaybgalay Shiikh Dahir Maxamud Geeleoo ay wehliyaan nin magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Aadan iyo will kale oo dhalinyaro ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed Cali. Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa qayb ka ahaa culumo uu ku jiro Shiikh Cabiwaxid iyo Shiikh Cabdirisaq Jiir  iyo culumo kale oo safar uga timid deegaanka Puntland.

Madaxda ka joogtay gudiga Shuurada ee Urur Diimeedka Al Ictisaam  ayaa dhagaystay qorshaha Shiikh Dahir  ee ku saabsan doorashada iyo wadahadalkii isaga iyo Fahad ee la xiriiray u gogol xaarida  kulankaan. Inkastaa oo aysan MOL u suuragalin in ay hesho xogta qodobadii shirka looga hadlay oo buuxa hadana madaxdii ka joogtay Ururka Al Ictismaan iyo Shiikh Dahir waxa ay isla garteen in la sii wado wada-shaqaynta  u dhaxeeysa culumada iyo siyaasiyiinta ka tirsan ururka Dahir iyo Fahad.  Waxaana lagu balamay in kulan danbe la isugu yimaado magalaada Muqdisho bisha Maay ee sanadkan 2020.

29600cookie-checkKhilaafka Kooxda Icsitaam Oo Gaaray Heerkii Ugu Sareeyay