Koox Dil Ka Geystay Magaalada Nairobi

Health

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya dil abaabulan oo loogu geystay Taksiile Soomaali ah oo lagu magacaabo Hassan Abdi Mohamed, kaasoo Isniintii tagtay lagu toorriyeeyey xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, kaddib markii ay xaaskiisu usoo adeegsatey koox Burcad ah oo dilalayaal ah…..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Kooxaha Baarista Boliiska ee Magaalada Nairobi ayaa soo qabtay 5-eedaysane oo lala xiriirinayo Dilka Marxuum Xasan oo 33-jir ahaa, iyadoo muuqaal la sii bandhigay uu muujinayo nimanka oo qiranaya inay toorreey ku dileen marxuumka oo ay sheegeen inay usoo adeegsatey xaaskiisa oo uu muran-qoys dhex yaalley, si ay u cabsi geliyaan.

Eedeysanayaashaan oo ay gabari ku jirto ayaa lagu kala magacaaba -Ahmed Hussein,  -Ikaran Mohamed Ahmed, -Mohamed Abdi, -Ahmed Hussein iyo -Mara Bisar.

“Waxaan ahayn 6 qof, waxaan doonaynay inaan cabsiinno, balse aniga ayaa dhabarka toorreey uga dhuftay waana ka cararnay” ayuu muuqaalka ku leeyahy Ahmed Hussein.

Waxey Eedeysanayaashaan caddeyeen in xaaska Hassan oo la yiraahdo Muna Aden Yuusuf oo 2 carruur ah u leh, ay doonaysey inay ninkeeda iska furto, iyada oo uu kiiskoodu ka furnaa Maxkamadda Qaaddiga Nairobi oo dacwaddooda qabtay Jannaayo 22, 2020.

Macluumaad Baariseed ayaa tilmaamaya in kooxda la qabtay dhamaan oof ay ka tirsan yihiin gaangiska (SuperPower), kuwaasoo ka howlgala xaafadda Eastleigh.

32720cookie-checkKoox Dil Ka Geystay Magaalada Nairobi