Kulamada Asmara Iyo Saameynta Dooxa/Ankara..

Politics

Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu socdaal kale uu ku tago magaalada Asmara, dhawaan marka uu soo idlaado booqashada Abiye Axmed ee UAE, waxaana seddex Mas’uul lagu wadaa in ay ku kulmaan mar kale magaalada Asmara Bisha Febraayo 18 ilaa 20ka sida loo xaqiijiyay Aarka Diinah blogs.

RW Ethiopa Mr.Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Afawerki ayaa ka shaqeynaya sidii la isugu soo dhaweyn lahaa xiriirka xumaaday ee Somalia iyo UAE iyo sidii Maamulka Farmaajo gacan looga siin lahaa iney ka haraan Iskaashiga dalalka Qatar iyo Turkiga.

Waxaa in dhaweydba uu mugdi soo kala dhex galay xiriirka Farmaajo uu la leeyahay dalka Turkiga, taasoo keentay inuu Farmaajo iyo Fahad ay si dadban u takooraan Turkiga kaddib markii Turkiga iyo Qatar ay isku qabteen arrimaha dalalka Libya iyo Suuriya dhammaadkii sanadkii hore 2019. Taasoo keentay in xiriirka Doha iyo Ankara uu xumaado.

Ku darsoo Waxaa si hoose oo gaabis ah u socda wada hadalo ay leeyihiin Qatar iyo Sacuudiga kuwaasoo aan weli horumar sameynin, inkastoo dadaaladani ay u muuqdaan mid la doonaayo in dhinac loogu riixo Maamulka Ankara.

16880cookie-checkKulamada Asmara Iyo Saameynta Dooxa/Ankara..