Kulan Ka Dhacay Madaxtooyada Villa Somalia kuna Aadan Fashilka Qorshihii Duulanka Jubbaland

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayna ka soo qeyb galeen Madaxweynaha, Wasiirka 1-aad iyo Agaasimaha NISA ayaa looga hadley fashilka qorshihii lagu daabulay Ciidamada Dowlada iyo xaaladda cusub degaanada Jubaland iyo Axmed Madoobe sidii laga yeeli lahaa..

Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in in Madaxweynaha uu wax ka bedalay Istaraatiijiyada dagaal Dowladda Federaalka ee ku wajahan Jubaland, wuxuuna go’aansaday inuu Xilka ka xayuubiyo Wasiirka 1-aad Mr.Xamse Cabdi Barre oo kasoo jeeda Beesha Axmed Madoobe, iyadoo dhawaan loo magacaabi doono xilkaasi Wasiirkii hore ee Amniga Mr.Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo haatan ah Danjiraha Somalia ee Dalka Qatar.

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo doorashooyinka uu doonaayo inuu qabto ay ku xiran tahay Axmed Madoobe oo xilka laga tuuro, iyadoo qorshaha cusub ee ku aadan Jubbaland ayaa tilmaameysa in Dowladu xoog saari doonto Gobolka Gedo, iyadoo lagu bixinaayo dhaqaalo badan in si toos ah loo hoos keeno Muqdisho si doorashooyin qof iyo cod lagu sheegay looga qaban karo.

Qorshahaan ayaa sheegaya in la hubeeyo Beelaha kale ee ka soo horjeda Axmed Madoobe sida beelaha Gaaljecal, Sheekhaal, Dir iyo Raxanwyen, iyadoo kulanka lagu falanqeeyay sidii loogala hadli lahaa Dowladaha Ethiopia iyo Kenya iney joojiyaan taageerada ay u fidiyaan Axmed Madoobe, Kulanka ayaan lagu soo qaadin Fashilka ka dhashay Qorshaha Ciidamada lagu geeyay Degaanka Raaskaambooni iyo cidda qaadi lahayd mas’uuliyada, inkastoo loo saarin doono Mr.Xamse Cabdi Barre oo xilkiisa ku weyn doono kadib markii ciidamo ka badan 1000 askeri uu ku yimid burbur.

353210cookie-checkKulan Ka Dhacay Madaxtooyada Villa Somalia kuna Aadan Fashilka Qorshihii Duulanka Jubbaland