Kulanka AVIATION AFRICA-2020..

Business

Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lagu soo gabagabeeyey kulan sannadle ah oo loogu magac daro AVIATION AFRICA 2020 badnaabana logu falanqeeyo horumarinta shirkadaha diyaaradaha ee qaaradda Afrika…

Kulankaasi oo la qabtay bishan March 4tii – ilaa 5tii ayaa waxaa looga dooday qodobo ay ka mid yihii sidii hoos loogu dhigi lahaa canshuurta la saaro shirkadaha diyaaradaha oo aad qaali u ah.

Maareeyaha sharikadda Ethiopian Airlines Tewolde Gebremariam oo kulankaas furay ayaa wuxuu halkaas ka sheegay sida loogu baahan yahay in madaxda dalalka Africa kaalmeeyaan sharikadaha diyaaradaha iyagoo hoos u dhigaya cashuurta ay saaraan shirkadahaasi.

“Canshuurta Sharikadaha dayuuradaha la saaro ayaa ka badan kuwa la saaro sigaarka, taasna waxay keeneysaa in candhuurtaas loo soo gudbiyo macaamiisha waana sababta ay tikidhada qaaradda Afrika qaali u yihiin” ayuu yiri mudane  Gebremariam

Shidaalka dayuuraha oo qaali ah marka la bar-bar dhigo adduunyada intiisa kale ayaa sidoo kale sabab u ah dhibaatooyin haysta sharikadaha dayaarahad ee qaaradda Afrika. 

Sidoo kale waxaa halkaas looga dooday sababaha keena in sharikado badan khadka ka baxaan sababo u badan maamul xumo iyo ku takri fal hantida sharikadda.

20800cookie-checkKulanka AVIATION AFRICA-2020..